Hay’ada caalamiga ah ee duulimaadyada (ICAO) oo malaayiin lacag ah Soomaaliya dib ugu soo celinaysa
Sabti, October 05, 2013
(HOL) -Wasiirka warfaafinta, Boostada iyo
gaadiidka Soomaaliya C/laahi Ceelmooge Xirsi oo dhawaantan kasoo qaybgalay
shirweynaha 38aad ee wadamada xubnaha ka ah hay’ada caalamiga ah ee
duulimaadyada iyo saadaasha hawada ee (ICAO) gaarayana 191 dal ayaa sheegay in
Soomaaliya dib loogu soo celinayo lacag malaayiin ah oo hawada Soomaaliya
canshuur ahaan looga aruuriyay 22-kii sano ee Soomaaliya ay burbursanayd.
Waxaana Ceelmooge uu ku tilmaamay in
Soomaaliya iyo hay’ada ICAO ay kala saxiixdeen heshiis taariikhi ah oo qeexaya
in Soomaaliya ay kamid tahay wadamada xubnaha ka ah ururkan isla markaana
lacagta laga aruuriyay hawada dib loogu soo celinayo dawlada federaalka ah ee
Soomaaliya marka la gaaro bisha Janaury ee sannadka 2014ka.
“Lacagtani waxay noqon doontaa mid
wax wayn ka tarta dib u dhiska Soomaaliya oo haatan kasoo kabanaysa marxalad
adag oo ay soo martay” ayuu yiri wasiirka warfaafinta iyo gaadiidka Soomaaliya
oo waraysi gaar ah siiyay Hiiraan Online.
Waxaana heshiiska Soomaaliya iyo hay’ada ICAO wada saxiixay C/laahi Ceelmooge
Xirsi oo wasaaradaha uu hayo ay kamid
tahay gaadiidku iyo madaxa hay’ada ICAO Raymond Benjamin.
Waa kuwaan qaar kamid ah nuqullada
heshiiska oo turjuman.
1. a) Xukuumada
DFS ee Somalia iyo UN ICAO ( international civil aviation organization) waxay
kala saxiideen in Somalia ay kamid tahay contracting countries ( dawladaha
xubinta ka ah) heshiiskii Chicago ee 1944 oo aan cidkale loo soo mari doonin
sida united nations ama hay'adaha kale ee lamidka ah, balse toos icao ula soo
xiriirayso arimaha laxiriir duulimaadka rayidka ah iyo saadasha hawada.
b) In Dhaqaalihii Somalia 20 sano ee u dambeeyay hawadeeda
icao kasamaysay ee kazoo haray wixii ay icao isticimaashay loo soo celiyo laga
bilaabo bisha jan.2014
c) In maamulka FISS ee horay loogu aqoon jiray (CACAS) project aan
la wareegi doono jan.2014.
d) In ICAO ay kacaawiso tabararo cusub taasoo loo xilsaaray dawladu
gaar ah oo kamid xubnaha ICAO..
Marka laga soo tago heshiiska intii uu socday shirka
wadamada xubnaha ka ah ICAO oo ka dhacay magaalada Montreal ee dalka Canada
sidoo kale kulan yeeshay wasiirrada gaadiidka qaarada Afrika oo Soomaaliya uu u
matalayay Wasiir Ceelmooge.
Waxaana kulankaasi intii uu socday looga hadlay iskaashi
dhinaca duulimaadyada ah oo dhexmara wadamada qaarada Afrika iyo sidoo kale la
isku afgartay in lasii xoojiyo heshiisyadii hore ee wadamada qaarada Afrika ee
quseeyay dhinaca duulimaadyada iyo saadaasha hawada.
Lacagtan Soomaaliya lagu soo wareejinayo oo cadadkeeda aan wali la sheegin ayaa lagu qiyaasayaa inay gaarto malaayiin dollarka Maraykanka iyadoo noqonaysa guul wayn oo dawlada Soomaaliya gaartay maadaama lacagtan ay horay u codsan jireen dawladihii KMG ahaa kuwaasoo aysan u suuroobin in lagu soo wareejiyo.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya