4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2013
Wafdi ka socda dowladda Soomaliya oo gaaray Kismaayo iyo iska horimaad ka dhacay duleedka magaaladaasi

Sabti, October 05, 2013(HOL) Wafdi uu horkacayo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jen. C/risaaq Qaliif Cilmi ayaa shalay kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, iyadoona wafdigan ay qeyb ka yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.

Ilaa imika ma cadda ujeedooyinka rasmiga ah ee imaatinka wafdigan ka socda dowladda federaalka Soomaaliya iyo AMISOM.

Masuuliyiinta maamulka Jubba weli kama hadlin imaatinka wafdigan, waxaana wafdigan uu maalintii labaad ku suganyahay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale dagaal qaatay saacado kooban ayaa shalay gelinkii danbe ka qarxay deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 25 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

Weerarkan oo ay qaaden ciidamada maamulka Jubba ayay la beegsadeen saldhig ay deegaankaasi ku lahaayeen ciidamo uu hogaaminayo COL Barre Aadan Shire (Hiiraale), waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray iska horimaad xooggan.

Ilaa imika ma cadda khasaarooyinka rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadkaasi, haseyeeshee masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkii shalay ay guulo ka gaareen, waxaana shalay gabi ahaanba hawada laga saaray isgaarsiintii magaalada Kismaayo mudadii uu socday dagaalka labada dhinac.

 

Max’ed Xaaji Xuseen
[email protected]
Kismaya-Soomaaliya.