4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2013
Ciidamo ajnebi oo weeraray guri ku yaal degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose

Sabti, Oktoobar 05, 2013 (HOL) —Weerar ay geysteen ciidamo ajnebi ah oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan, ayaa goor hore oo saaka ah ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA u sheegay in ciidamada duulaanka soo qaaday ay magaalada kasoo weerareen dhinaca badda iyaga oo watey doomaha dheereeya iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Bar-tilmaameedka weerarkooda ayaa ahaa guri ku yaal meel u dhow xeebta, kaas oo aan si dhab ah loo ogeyn cidda ku jirtey, haseyeeshee wararka Baraawe laga helayo ayaa sheegaya in ciidamadii weerarka soo qaaday ay iska caabin xooggan la kulmeen.

Inkastoo aan weerarkaas faahfaahin dheeri ah weli laga hayn, waxaa hadana goobjoogeyaal degmadaas ku sugni ay mar kale idaacadda VOA u sheegeen in dagaalka saaka aroortii dhacay uu hal qof ku dhintay mid kalena uu ku dhaawacmay.

Diryanka hubka ay labada dhinac isweydaarsanayeen, gaar ahaan gantaalo ay ridayeen diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo qaar kale oo dhinaca badda kasoo dhacayey ayaa laga maqlayey Baraawe iyo deegaanada ku dhow dhow.

Faahfaahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...