4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 4 , 2013
Rabshado ka Dhacay Magaalada Mombasa iyo Dhallinyaro Careysan oo dab Qabadsiiyay Kaniisad ku taalla Magaaladaas

Jimco, Oktoobar 04, 2013 (HOL) — Dhallinyaro musliimiin ah ayaa gubay maanta oo Jimco ah kaniisad ku taalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya, kaddib markii xalay halkaas lagu dilay Sheekh Ibraahim Cumar oo ka mid ahaa wadaada caan ah ee dalka Kenya iyo saddex qof oo kale, kaddib markii kooxo hubeysan ay rasaas fureen.

Sidoo kale, dhallinyaradan ayaa waxay gubeen shaagag iyadoo la sheegay in qof uu ku dhintay rasaas ay fureen ciidamada ammaanka Kenya halka ay ku dhaawacmeen 18-qof oo kale.

Madaxa golaha xuquuqda muslimiinta Kenya, Al-Amin Kimathi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dilka Sheekh Ibraahim ay ka dambeeyaan ciidamada booliiska Kenya, iyadoo saraakiisha booliiskuna ay markiiba iska fogeeyeen eedeyntaas.

Saraakiisha booliiska Kenya ayaa sheegay in wadadaadka la dilay uu xiriir dhowr la laahaa Al-shabaab, iyagoo xusay inuu dhalliyarada muslimiinta ah ee Kenya ku boorrin jiray inay ku biiraan Al-shabaab.

Dilkan wadaadkan ayaa yimid kaddib markii rasaas lagu furay gaari uu la socday fiidnimadii xalay isagoo ka yimid masaajid uu ka jeediyay khudbad diini ah, waxaana uu ku dhintay gaarigii uu la socday iyadoo sidoo kalena ay dhinteen gaariga saddex qof oo la socday.

Jidka uu ka dhacay dilka wadaadkan ayaa waxaa sannadkii 2012 bishan oo kale lagu dilay Sheekh Abuud Roobow oo ka mid ahaa culummada sida weyn looga jeclaa dalka Kenya, kaasoo dilkiisa lagu eedeeyay ciidamada Kenya.

“Wax shaki ah kuma jiro in dilkan ay ka dambeeyeen booliiska Kenya, waana mid xiriir la leh dhibaatadii ka dhacday Nairobi,” sidaas waxaa yiri Cabdul Xasan Cumar oo ka mid ah dhallinyarada deggen xaafadda Majengo kana mid ah muslimiinta Kenya.

Sidoo kale, Haatib Suleymaan oo ka mid ah dadka sida aadka ah ugu xiran Masjidul Muusa oo ah masjidka uu muxaadarooyinka ka jeedin jiray sheekha la dilay ayaa sheegay in dilkan uu yahay mid ay ka dambeyso xukuumadda Kenya si ay dadkii lagu laayay Westgate ugu aarguddo.

Magaalada Mombasa oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Kenya ayaa waxaa labaadii sano ee lasoo dhaafay ka dhacayay rabshado u dexeeya booliiska iyo muslimiinta dalkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya