3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 4 , 2013
Idaacadihii Magaalada Baydhabo oo hawada ka maqan maalintii saddexaad iyo Warar kala duwan oo kasoo baxaya

Jimco, Oktoobar 04, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka furan labo idaacadood oo la kala yiraahdo Radio Baydhabo iyo Radio Warsan, labadaas idaacadood ayaa hawada laga waayey muddo saddex maalmood ah iyadoo la sheegay in sababaha loo xiray ay ka mid yihiin dhaqaale la’aan.

Maanta ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka socda kulan looga hadlayo xaaladda lasoo gudboonaatay idaacadahan, kulankaas oo ka dhacaya xarunta degmada Baydhabo.

Wararka qaar ayaa waxay sheegaya in sababta hawada looga saaray labadan idaacadood ay salka ku hayso maamul u sameynta gobollada Koonfurta Soomaaliya, maadaama ay siyaasado iska soo horjeeda ay ka jiraan halkaas, iyadoo wararku ay intaas ku darayaan in idaacadahan lagu siiyay lacag si hawada looga saaro.

Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in idaacadahan ay diideen in wararka ku saabsan shirka ka socda Baydhabo ay tabiyaan, iyagoo sheegay inaysan jirin wax dan ah oo ugu jirta, taasna la filayo inay saameyn ku leedahay in hawada ay ka maqnaadaan saddex maalmood.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca maamulka idaacadaha iyo kan degmada Baydhabo oo ku saabsan hawo ka maqnaashaha idaacadaha magaalada Baydhabo ka howlgala.

Hiiraan Online, Baydhabo













Click here
10/4/2013 1:21 PM EST
Jimco, Oktoobar 04, 2013 (HOL) — Dhallinyaro musliimiin ah ayaa gubay maanta oo Jimco ah kaniisad ku taalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya, kaddib markii xalay halkaas lagu dilay Sheekh Ibraahim Cumar oo ka mid ahaa wadaada caan ah ee dalka Kenya iyo saddex qof oo kale, kaddib markii kooxo hubeysan ay rasaas fureen.

10/4/2013 7:18 AM EST
Jimco, Oktoobar 04, 2013 (HOL) — Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Danjire Maxbuub Macllim ayaa caawa kulan ballaran la qaatay jaaliyadaha dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti waxaana kulankaas ka dhacay Hotelka Ramaada ee Magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota.

10/4/2013 2:39 AM EST
Jimco, Oktoobar 04, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii ku toogtay gudaha magaalada Mombasa ee dalka Kenya afar qof oo uu ku jiray wadaad caan ka ahaa halkaas, iyadoo kooxaha dilka geystay la sheegay inay goobta ka baxsadeen.