4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 4 , 2013
Kooxo Hubeysan oo bartamaha Magaalada Mombasa ku dilay Afar qof oo uu ku jiray Wadaad caan ka ahaa Magaaladaas


Jimco, Oktoobar 04, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii ku toogtay gudaha magaalada Mombasa ee dalka Kenya afar qof oo uu ku jiray wadaad caan ka ahaa halkaas, iyadoo kooxaha dilka geystay la sheegay inay goobta ka baxsadeen.

Wadaadka ka mid ahaa dadkan la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Sheekh Ibraahim wuxuuna ka mid adhaa culummada ugu caansan Mombasa lamana garanayo sababta ay kooxan hubeysani u dileen afartan qof.

Sheekhan la dilay ayaa wuxuu aad ugu dhawaa wadaad sannad ka hor lagu dilay isla magaalada Mombasa kaasoo lagu magacaabi jiray Sheekh Cabuud Roobo, iyadoo dilka sheekhaas uu muran badan ka dhaliyay dalka Kenya.

Dowaldda Kenya ayaa dilka wadadaadkaas ku eedeeyay Al-shabaab, balse shacabka muslimiinta ah ee ku nool Mombasa ayaa dilka wadaadkaas dusha ka saaray ciidamada amaanka, iyagoo sheegay in loo dilay sababo la xiriira diintiisa.

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ku sugan goobta uu dilka afarta qof ka dhacay, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Kenya iyo cid ay u qabteen dilkan.

Magaalada Mombasa ayaa ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Kenya, iyadoo dhowr jeer oo hore ay ka dhaceen dilal kala duwan oo qaarkood loo geystay ciidamada dalka Kenya, halka kuwo kalena loo geystay dad lagu eedeeyay inay Al-shabaab xiriir la leeyihiin.

Dilalkan ayaa waxay kusoo beegmayaa tododbaad kaddib markii weerar maalmo qaatay oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab lagu qaaday dhismaha ganacsiga ee Westgate Mall, halkaasoo ahayd goob ay tegi jireen dadka hantida haysta.

Xarakada Al-shabaab ayaa maalin ka hor sheegtay inay weerarro aan kala go’ lahayn ku qaadayso dalka Kenya, kaddib markii dowladda Kenya ay ku gacan-sayrtay dalab ka yimid Al-shabaab oo ahaa inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya