4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2013
Doorashada hoggaanka ururka dhallinyarada gobolka Hiiraan oo Maanta lagu qabtay Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay islamarkaana ay ka soo qeyb-galleen mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, agaasimaha guud ee wasaarrada arrimaha gudaha, xildhibaanno, saraakiisha ciidamada dowladda, kuwa Jabuuti ee howlgalka Midowga Afrika AMISOM iyo marti-sharaf kale ayaa maanta lagu doortay hogaanka ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan.

Doorashada hogaanka ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan oo siweyn u soo jeedatay dareenka ka qeyb-galayaashii munaasabada ayaa u dhacday hab qarsoodi iyo gacan taag intaba leh, waxaana si toos ah codadkooda u dhiibanayay 36 xubnood oo laga soo kala xullay degmooyinka gobolka, islamarkaana lagu asixiyay maadasha doorashada.

Guddoomiyaha gollaha dhexe ee ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan oo hab qarsoodi ah u dhacday waxaa ku guuleystay oo loo doortay C/wahaab Abuukar Xassan, halka guddoomiye ku-xigeen cod gacan taag ah loogu doortay Faarax Cabdi Garuun.

Inta kaddib xubnaha gollaha dhexe waxaa ay guda-galleen doorashada guddoomiyaha guud ee ururka dhalinyarrada oo ay ku tartameen Max'ed C/llaahi Buuraalle Raaxeeye iyo C/qaadir Max'ed Cali waxaana cod aqlabiyad ah ku guuleystay Max'ed C/llaahi Buuraale Raaxeeye oo noqonaya guddoomiyaha guud ee ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan, halka ku-xigeen ay ku guuleysatay Muno Max'ed Xassan.

Xubnaha loo doortay hogaanka ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan waxaa dhaariyay agaasimaha guud ee wasaarrada arrimaha Cali Abtidoon Xalane oo goob joog u ahaa habka ay doorashada u dhacday.

Agaasimaha oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in uu goob joog u ahaado doorasho noocan oo kale ah oo sida uu hadalka u dhigay ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo uu ka qeyb-gallo.

''Runtii urur dhalinyarro sidan oo kale inta uu isku abaabulo hogaankiisii si cad oo aan mugti ku jirin u dooranaya anniga si gaar ah ayeey ii farxad galineysaa, maxaa yeelay waa markii ugu horeysay oo aan sidan oo kale uga qeyb-gallo doorasho dhalinyarro Soomaaliyeed ku sameysanayaan hogaankooda,'ayuu yiri agaasimaha.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo hadal kooban ka jeediyay kadib doorashada ayaa sheegay arinta muujineyso in ay jiraan dhalinyarro Soomaaliyeed oo maskax fiyow leh, islamarkaana diyaar u ah in ay ka qeyb-qaataan guud ahaanba barnaamijyada hormareed ee dalka, isaga oo soo dhaweeyay dhalinyarradu sameystaan hogaankooda.

''Ururrada bulsahda iyaga ayaa laga rabaa in ay is abaabulaan oo ay hogaankooda sameystaan, dhalinyarradana waa qeyb muhiim ah oo bulshada ka tirsan, ka maamul ahaan anniga farxad ayeey inoo tahay in aan goob joog u ahaano dhalinyarradii gobolka oo inta ay isa urursadeen haddana ku hishiiyay in ay hogaankooda sameystaan, waana oo dhaweyneynaa lana shaqeyn doonaa,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM Col Cismaan Dubad oo hadal ka jeediyay munaasabada lagu dooranayay hogaanka ururka dhalinyarrada, ayaa sheegay in mar walba saraakiisha Jabuuti bar bar taagnaayeen dhalinyarrada gobolka, marxalado badanna isla soo mareen, isaga oo sheegay in talaabada ay qaadeen dhalinyarrada noqon karto mid lagu deydo, madaama hogaamiyuhu u baahan yahay in uu helo codka ama kalsoonida cida markaa uu hogaanka u yahay.

Ugu dambeyn, waxaa madasha ka hadllay xildhibaanno, aqooyahanno, odayaal dhaqameed, iyo shaqsiyaad kale oo saameyn ku leh qeybaha bulshada kuwaa oo dhamaan soo dhaweeyay habka ay doorashada u dhacday, islamarkaana sheegay in ay la shaqeyn doonaan hogaanka loo doortay ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya