4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2013
Koox Tuugo ah oo xalay wiil dhallinyaro ah ku dilay Magaalada Hargeysa iyo dad loo lagu Tuhmayo dilkaas oo la Qab-qabtay

Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Allaha u naxariistii waxaa xalay magaalada Hargeysa koox dhallinyaro  ahi ku dileen wiil dhalinyaro ah oo afar maalmood ka hor ka qalinjabiyey jaamacadda Hargeysa oo magaciisa la odhan jiray Mustafe Cabdi Xasan.

Dilka wiilkan dhallinyaradda ah ayaa ka dhacay xaafadda boqol iyo kontonka ee degmada Koodbuur ee magaaladda Hargeysa, waxaana wakhtigaasi dilku dhacay la sheegay inay la socotay qof dumar ahi, kuwaas oo Tuugtana isku dayeen inay moobilad ka qaadaan, haseyeeshee uu iska difaacay ka dibna ay dhagaxaan madaxa kala dhaceen taasoo uu u geeriyooday.

Ciidamada Booliska oo markiiba soo gaadhay goobtii, ayaa xidhxidhay dhalinyaro badan oo xaafadda ka tirsan, kuwaas oo lagu tuhmayo inay ka mid ahaayeen dhalinyartii dilkaasi ka dambeeyey, sidoo kale waxaa iyaduna saldhiga lagu soo xiray haweenaydii la socotay wiilka geeriyooday oo ka warbixisay qaabka uu falkaasi u dhacay iyo inta qof ee ay ahaayeen tuugtaasi soo weerartay.

Si kastaba ha ahaatee, waxa habeenkii soo badanaya dhalinyaro koox koox u socota oo dadka habeenkii socda moobilada iyo hantida ay sitaan xoog kaga qaadaya, kuwaasoo mararka qaarkood waxyeelo soo gaadhsiiya qofka ay qabtaan.

Ciidamada amaanka ayaa lagu dhaliilay inay waxba ka qaban kari waayeen dhalinyarada ficilada noocaas ah ku kacaya, inkastoo la sameeyey gaadiid boolisku leeyihiin oo habeenkii wareegga, hadana illaa hadda waxba kama tarin dhalinyarada Moobiladda ka dhacaya dadka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland