4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Dagaalkii Black Hawk Down oo ka dhacay Magaalada Muqdisho Sannadkii 1993-kii

Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta ka hadlay dagaalkii Somalia ka dhacay 20-sano ka hor kaas oo loogu magac-daray Black Hawk Down, kaasoo ay ku dhinteen dad badan oo isugu jiray Soomaali iyo ciidamadii Soomaaliya u soo gurmaday oo Mareykanku uu hoggaaminayay.

Xasan Sheekh oo qoraal uu kaga hadlayay dagaalkaas soo saaray maanta ayaa sheegay in 20-sano ka hor uu caalamku u soo gurmaday Soomaaliya; balse nasiib-darro ay dagaalkaas oo dhacay 1993-kii ay ku dhinteen dad badan, iyadoo Mareyknaka ay uga dhinteen gudaha Soomaaliya 18-askari loogana soo riday laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah.

“Labaatan sano ka hor Soomaaliya waxay gashay dagaal sokeeye iyo fowdo kaddib markii ay dhacday dowladdii dhexe, waxaana caalamku uu halkan ku sameeyay faragelin bani’aadamnimo. Balse nasiib-darro waxaa ku dhintay dad badan,” ayuu yiri madaxweynaha.

Howlgalkan oo uu hoggaaminayay Mareykanka ayaa waxaa loogu magac-daray RAJO SOO CELIN. Iyadoo ay markii dambe isku dhaceen ciidamadii dalka Mareykanka iyo taageerayaashii Jen. Maxamed Faarax Caydiid oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii jabhadihii Soomaaliya.

“Kaddib 20-sano maanta Mareykanka waa saaxiibka ugu weyn ee Somalia waana dowladdii ugu horreysay oo aqoonsatay dowladda Soomaaliya kaddib markii ay ka baxday xilligii KMG ahayd. Waxaana wax lagu farxo ah inay dib u soo laabtay Soomaaliya,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inay muhiim tahay inaan dib u xusuusanno maanta dadkii naftooda ku waayay dhibaatadii Soomaaliya ka dhacday labaatankii sano ee Soomaaliya.

“Dad badan oo caalamka ku nool way ku kala aragti duwan yihiin dagaalkii Black Hawk Down. Balse Soomaaliya maanta way ka baxday xilligii adkaa, waxayna u gudubtay xilli cusub oo la aqoonsan yahay,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in labaatan sano oo colaado ah kaddib waxaan qorsheynaynaa inaan dimuqraadiyada Soomaaliya, waxaana dib u soo noolaynaa Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya