4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2013
Doonni ku dagtay Xeebta Jasiirada Lambaduusa ee dalka Talyaaniga iyadoo ay ku dhinteen 94-qof, tiro kalena ay maqan yihiin

Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Ugu yaraan maydadka 94-qof ayaa la helay 250-qof oo kalena way maqan yihiin kaddib markii doonni tahriib ahaan u sidday ay ku gubatay kuna dagtay xeebaha Koonfureed ee dalka Talyaaniga.

Doonidan oo ka baxday xeebaha Liibiya ayaa waxay ku dagtay Jasiiradda Lambaduusa oo ku taalla Koonfurta dalka Talyaaniga markii uu dab-qabsaday, iyadoo tahriibayaashan ay u badnaayeen Soomaali iyo Eritreriyaan sida ay sheegeen saraakiisha dalka Talyaaniga.

Guddoomiyaha magaalada Lambaduusa, Giusy Nicolini ayaa sheegtay inay dhinteen 94-qof meydadkoodana la helay, welina ay maqan yihiin 250-qof oo kale, kuwaasoo aan la hayn illaa hadda dhimasho iyo nolol.

“Waa arrin layaab leh, maydadku weli waxay kusoo caarinayaan xeebaha Lambaduusa,” ayay tiri Nicolini oo ilmaysay, iyadoo xustay in dadka la socday doonida ay tiro ahaan lagu qiyaasay 400 illaa 500 oo qof, iyadoo la badbaadiyay 150-qof oo ka mid ahaa muhaajiriinti doonnidaas la socday.

Ra'iisul wasaaraha Talyaaniga ayaa ku tilmaamay dhibaatada musiibo weyn, iyadoo dadka maydadkooda la helay ay ku jireen haween uur leh iyo caruur, waxaana ku sugan xeebta ay mashaqadan ka dhacday wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga.

Tahriibayaal badan ayaa maalmihii lasoo dhaafay gaaray Talyaaniga kuwaas oo u badnaa dad u dhashay dalalka Siiriya iyo Masar oo ka cararaya gulufka colaadeed ee dalalkooda ka socda.

Wasiirka gaadiidka dalka Talyaaniga, Maurizio Lupi ayaa warbixin uu maanta soo saaray ku sheegaey in ciidamada badda Talyaanigu ay ku mashquulsan yihiin sidii loo heli lahaa dadka maqan nolo iyo geeri.

Doonidan ayaa la sheegay inay muddo afar maalmood ah badda kusoo jirtay iyadoo si lama filaan ah ugu dagtay meel ku dhow xeebaha bariga ee magaalada Lambaduusa ee dalka Talyaaniga.

Talyaaniga ayaa waxaa sannad walba gaara kumannaan qof oo magan-galyo doon ah, kuwaasoo ka cararaya rabshadaha iyo shaqo la’aanta ka jirta dalal ku yaalla qaaradaha Afrika iyo Aasiya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya