4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2013
Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida oo dil ku xukuntay Askar ilaalo u ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka

Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku ridday laba askari oo ilaalo u ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo lagu helay inay dileen laba askari oo booliis ah.

Afhayeenka maxkamadda sare ee ciidamada, Col. C/llaahi Maxamed Muuse (Keyse) ayaa warbaahinta u sheegay in labadan askari lagu helay dambigii lagu soo oogay ayna ka hor-qirteen maxkamadda, markaas kaddibna lagu xukumay dil toogasho ah.

Labada askari ee xukunka dilka ah lagu xukumay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa: Yaxye Sheekh C/llaahi Axmed oo 33-jir ahaa iyo Xuseen Cali Axmed Cumar oo 37-jir ahaa, kuwaasoo 01/09/2013 askarta ku dilay degmada Wardhiigley.

“Askartan dilka toogasho lagu xukumay waxay dil u geysteen laba askari oo ka kala tirsanaa tisranaa ciidamada dowladda, waxayna ku dileen degmada Wardhiigley,” ayuu yiri Col. Kayse oo intaas ku daray in labada askari sida ugu dhaqsiyaha badan loogu fulin doono xukunka dilka ah.

Sidoo kale, afhayeenka maxkamadda wuxuu sheegay in labadan askari oo ciidmada xoogga dalka ka tirsan ay ilaalo u ahaayeen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo, Nuur Maxamed Xuseen. Labada askari ee ay dilka u geysteenna lagu kala magacaabi jiray, Cali Muumin C/raxmaan iyo Aadan Nuur Cali oo labaduna ahaa dablayaal ka tirsan booliiska Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidamada qalabka sida ay dil toogasho ah ku xukunto askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo dilal geystay, waxaana tani ay qayb ka tahay dadaallada looga hortagayo dilalka ay ciidamada dowladdu geystaa.

“Askari walba oo dil geysta, waxaa lagu xukumi doonaan mid la mid ah dilka uu geystay, waxaana ciidamada uga digaynaa inay geystaan dilal u geystaan ciidamada dowladda iyo dadka shacabka ah,” ayuu mar kale yiri Col. Keyse.

Maxkamadda ayaa bilhiii lasoo dhaafay waxay xukunno dil ah ku fulisay askar ay horay ugu xukuntay dilal toogasho ah, kuwaasoo la sheegay inay dilal u geysteen askar kale iyo dad shacab ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya