4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2013
Mudane ka tirsan Baarlamanka Somalia oo faah-faahin ka bixiyay Qorshaha Dhismaha Maamulka Gobolka Hiiraan

Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Xildhibaan Nuur Iidoow Beyle oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo la hadllay HOL ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay kulamo maalmihii ugu danbeeyay xubno ka socda wasaarrada arrimaha gudaha kula lahaayeen degmadaBeledweyne maamulka xiligan jira, waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada oo loogu gogol xaarayo dhismaha maamul markii ugu horeysay ay sameysan doonaan bulshada reer Hiiraan.

Xildhibaan Nuur Iidoow ayaa sheegay xubnaha ka socda wasaarrada arrimaha gudaha ee ku sugan magaalada Beledweyne hor dhac u yihiin diyaarinta qorshaha dhismaha maamulka, isaga oo intaa ku darray in xildhibaannada socdaalka ku wehlinaya agaasimaha qeyb ka yihiin guddiga arrimaha gudaha iyo dhismaha maamulada gobollada ee baarlamaanka Soomaaliya, sidaa daraadeed ay sharci tahay in ay goob joog u ahaadaan howlaha socda.

“Waan ka war-qabnaa halka ay howlaha u marayaan xubnaha ka socda wasaarrada arrimaha gudaha ee ku sugan magaalada Beledweyne, agaasimaha iyo xildhibaannada jooga Beledweyne waxaa ay diyaarinayaan una sii gogol xaarayaan sidii ay bulshada ku dhaqan gobolka maamulkooda u sameysan lahaayeen, wax kale ma'aha socdaalkooda, waa inay ku gacan siiyaan una fududeeyaan dad reer Hiiraan sidii ay maamulkooda u sameysan lahaayeen,'' ayuu yiri xildhibaan Nuur Iidoow Beyle.

Waxaa kaloo uu sheegay in dhawaan magaalada Beledweyne gaari doonaan xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka oo sida uu hadalka u dhigay goob joog u ahaan doona habka uu u dhismi doono maamulka, isaga oo sheegay in aysan jirin wax deg deg u dhacaya.

“Waxaa wanaagsan in si fiican loo fahmo howsha socta, wax deg deg u dhaca ma jiraan, arinta waa mid bulshada ku dhaqan gobolka oo dhan laga tali-galinayo, xubnaha hadda jooga magaaladana howshaa ayeey ku guda jiraan, annagana dhawaan ayeeynu tagi doonaa halkaa [Beledweyne] xildhibaannada, siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka iyo maamulka hadda tallada haya intaba saameyn ayeey ku yeelan doonaan sida uu maamulka loo dhisayo,'' ayuu yiri xildhibaan Nuur Iidoow Beyle.

Mar uu ka jawaabayay su'aal aheyd sida ay suurtagal ku noqon karto inla sameeyo maamul xili inta badan deegaannada gobolka ay gacanta ku hayaan Al-shabaab, ayuu sheegay in ujeedada laga leeyahay dhismaha maamulka tahay sidii loo xoreyn lahaa qeybaha kale ee gobolka Hiiraan.

“Micno badan ma sameyneyso dooda arintaa ku saabsan, waayo sababta maamulka loo dhisayo ayaaba ah in la xoreeyo deegaannada kale ee gobolka, maxaa yeelay maamulka la dhisi doono howsha ugu horeysa oo ay tahay in uu qabto ayaa ah in la xoreeyo deegaannada kale ee gobolka ka dhiman, sidaa daraadeed annaga waxa aan diidannahay waa in uu firaaq meesha ka dhaco,'' ayuu yiri xildhibaan Nuur Iidoow Beyle.

Waxaa uu sheegay in maamulka la dhisayo uu noqon doono mid ka soo dhaxbaxa golle deegaan oo  laga soo kala xulay dhamaan degmooyinka uu gobolka ka kooban yahay.

“Gollaha deegaannka maamulka soo dooran doona waxaa laga soo xuli doonaa dhamaan shanta degmo ee gobolka ka kooban yahay, Al-shabaab ayaa hadda gacanta ku haya micno badan sameyneyso, waxaa golaha maamulka soo dhisaya ka qeyb-galli doona odayaashii, aqoonyahankii iyo waxgaradkii degmooyinkaa matalayay, sidaa ayuuna maamulka ku dhismi doonaa,'' ayuu yiri xildhibaanka.

Waxaa uu ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan in ay taageeraan howsha socta, madaama markii ugu horeysay dad ku dhaqan gobollka iyaga maamulkooda sameysanayaan, islamarkaana uusa jirin doonin maamul kor looga keenayo.

''Bulshada waxaan leeyahay howsha socta gacan siiya, waayo fursad ayaad heystaan, waa in aad ayaahihiin ka taashataan, xubnaha dowladda ee hadda jooga iyo kuwa kale ee imanaya intaba waxaa ay fududeyn doonaan sidii aad kulamadiina u qabsan laheydeen,ee maamul idiinma sameynayaan,cidda loo baahan yahay in maamulkooda sameystaan waa bulshada reer Hiiraan, waa in aad arinta sidaa u fahantaan,'' ayuu yiri xildhibaan Nuur.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa xiligan ku sugan xubno ka socda wasaarrada arrimaha gudaha iyo xildhibaanno ka tirsan guddiga arrimaha gudaha iyo maamul u sameynta gobollada oo maalmihii ugu danbeeyay la tashiyo la lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Ugu danbeytii Nuur Iidoow ayaa sheegay in qorshaha hadda socda uu yahay mid salka ku haya baaqii madaxweynaha ee ahaa in bulshada loo madaxbanaaneeyo dhismaha maamulkooda, waxaana uu rajo badan ka muujiyay in ay miro dhalaan howlaha hadda socda ee  ku saleysan dhismaha maamul bulshada ka soo dhaxbaxay oo uu yeesho gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya