3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo sheegay in Xukuumaddu ay ka shaqeynayso Nabadda iyo sidii ay doorasho u dhici lahayd 2016-ka


Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Ra’iisal wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in xukuumaddu ay ku guulaaysato ballan-qaadyadii ay horay u sameysay, gaar ahaan in la gaarsiyo dalka doorashooyin xor ah.

Mudane Saacid ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay ku socoto waddadii horumarka iyo barwaaqada, kaddib 22-sano oo ay ka jireen colaad iyo burbur dhinaca dhismayaasha ah.

“Iyadoo laga faa’iideysanayo taageerada joogtada ah ee calaamka, waxaanu gaarsiinaynaa Soomaaliya in sannadka 2016-ka ay ka dhacdo doorasho xor ah oo qof walba oo Soomaaliyeed uu ku soo dooranayo ciddii dalkan madax ka noqon lahayd,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan meel-marinta dadaallada ay waddo xukuumadda si uu dalku u gaaro hourmarka la doonayo in la gaarsiiyo, isagoo sheegay inay ka go’an tahay dhankooda inay Soomaaliya ku hagaan jidka dimuqraadiyadda.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Saacid ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay gacan ka geystaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa qaybaha ay dalka uga sugan tahay.

“Xukuumadda waxaa ka go’an inay dalka ka saarto Al-shabaab oo dhibaato ku haysa shacabka Soomaaliyeed, waayo kooxdan waxay caddeysatay inay khatar ku tahay deggenaashaha gobolka oo dhan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Saacid ayaa sheegay in qorshaha dib u dhiska dalka uu fursad weyn u yahay Soomaaliya uuna rajeynayo in bilicdii dalka ay dib u soo laabato sannado fara badan kaddib.

Qorshaha Higsiga cusub ama New Deal ayuu sheegay inuu yahay mid dunidu ay ku caawinayso Soomaaliya, isagoo ugu baaqay Soomaalida inay ka fogaadaan is-qabqabsiga si qorshahan lagu caawinayo Soomaaliya uusan u noqon mid guul-darreysta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/3/2013 2:21 PM EST
Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay islamarkaana ay ka soo qeyb-galleen mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, agaasimaha guud ee wasaarrada arrimaha gudaha, xildhibaanno, saraakiisha ciidamada dowladda, kuwa Jabuuti ee howlgalka Midowga Afrika AMISOM iyo marti-sharaf kale ayaa maanta lagu doortay hogaanka ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan.

10/3/2013 12:14 PM EST
Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Bisha November ee soo socota ayaa la filayaa in wafdiyo ka socda dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ay kalunkii saddexaad ku yeeshaan dalka Turkiga, kaasoo lagu sii wadayo wadahadalka u socda labada dhinac.

10/3/2013 11:56 AM EST
Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Allaha u naxariistii waxaa xalay magaalada Hargeysa koox dhallinyaro ahi ku dileen wiil dhalinyaro ah oo afar maalmood ka hor ka qalinjabiyey jaamacadda Hargeysa oo magaciisa la odhan jiray Mustafe Cabdi Xasan.

10/3/2013 11:48 AM EST
Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 11-qof ayaa geeriyooday kaddib shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Lagos ee dalka Nigeria, iyadoo diyaaraddan oo ahayd nooca yaryar ay soo dhacday wax yar kaddib markii ay duushay.

10/3/2013 10:29 AM EST
Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta ka hadlay dagaalkii Somalia ka dhacay 20-sano ka hor kaas oo loogu magac-daray Black Hawk Down, kaasoo ay ku dhinteen dad badan oo isugu jiray Soomaali iyo ciidamadii Soomaaliya u soo gurmaday oo Mareykanku uu hoggaaminayay.

10/3/2013 9:47 AM EST
Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa kulankoodii caadiga ahaa ee maanta waxay uga doodeen qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin shirka dib u heshiisiinta ee Jubba, heshiiskii shirkadda Sahminta shidaalka ee Soma Oil and Gas Exploration iyo warbixinta safarkii ra’iisul wasaaraha ee dalalka Switzerland iyo Turkey.

10/3/2013 9:24 AM EST
Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Maydadka sagaal qof oo cusub oo ka mid ah dadkii maqnaa ayaa laga soo saaray burburka suuqa ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi, kaasoo toddobaadkii hore ay weerareen kooxo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

10/3/2013 9:01 AM EST
Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Afhayeenka xisbiga mucaaradka ee dalka Jabuuti, Daahir Axmed Faarax (Deef) ayaa xabsiga la dhigay maalintii koowaad ee bishan Oktoobar, sida barta Twitter-ka ee xisbiga mucaaradka ah ee USN lagu shaaciyay.

10/3/2013 8:35 AM EST
Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ay u baahan yihiin taageero caalami ah iyo ciidammo ka yimaada dalalka Afrika ee aan ciidamada ku taageerin si howsha nabad raadinta Soomaaliya loo sii xoojiyo.

10/3/2013 8:13 AM EST
Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Ugu yaraan maydadka 94-qof ayaa la helay 250-qof oo kalena way maqan yihiin kaddib markii doonni tahriib ahaan u sidday ay ku gubatay kuna dagtay xeebaha Koonfureed ee dalka Talyaaniga.

10/3/2013 6:59 AM EST
Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada sare ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku ridday laba askari oo ilaalo u ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo lagu helay inay dileen laba askari oo booliis ah.

10/3/2013 6:28 AM EST
Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Xildhibaan Nuur Iidoow Beyle oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo la hadllay HOL ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay kulamo maalmihii ugu danbeeyay xubno ka socda wasaarrada arrimaha gudaha kula lahaayeen degmadaBeledweyne maamulka xiligan jira, waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada oo loogu gogol xaarayo dhismaha maamul markii ugu horeysay ay sameysan doonaan bulshada reer Hiiraan.

10/3/2013 2:49 AM EST
Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Qarax bambaano oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe ayaa shabay inay ku dhaawacmaan laba ruux oo dhallinyaro ah, iyadoo kooxihii weerarkan geystay ay goobta ka baxsadeen.