4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2013
Qarax Bambaano oo xalay ka dhacay Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellada dhexe iyo Howlgallo Saaka ka socda

Khamiis, Oktoobar 03, 2013 (HOL) — Qarax bambaano oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe ayaa sababay inay ku dhaawacmaan laba ruux oo dhallinyaro ah, iyadoo kooxihii weerarkan geystay ay goobta ka baxsadeen.

Weerarkan ayaa waxaa geystay dhallinyaro aan haybtooda la garanay, iyadoo lagu tuuray bamka goob ay ku caweynayeen dhallinyarada degmada waxaana weerarkan uu qayb ka noqonayaa kuwo dhawaanahan degmadaas ka dhacayay.

“Xalay fiidkii ayaa waxaa bambaano kuwa gacanta ah lagu weeraray goob ay ku caweynayeen dhallinyaro; waxaana halkaas ku dhaawacmay laba ka mid ah dhallinyaradii goobta ku sugnaa, dhaawacyadooduna waa kuwo fudud,” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa halka uu weerarku ka dhacay oo ka tirsan xaafadda Hanti-wadaag ee degmada Jowhar.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay inay weerarkaas mas’uul ka tahay ayaa haddana waxay saraakiisha booliisha degmada ku eedeeyeen Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa saaka degmada Jowhar ka socd howlgallo baaritaanno ah oo lagu raadinayo kooxihii ka dambeeyay weerarkii xalay iyo xubno ka tirsan Al-shabaab.

Baaritaanka ayaa wuxuu intiisa badan ka socdaa xaafadda Hanti-wadaag oo ahayd halkii uu xalay weerarka bambaano ka dhacay, waxaana tani ay cabsi weyn gelisay dhallinyarada degmadaas ee habeenkii caweeya.

Magaalada Jowhar ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab sannadkii hore, iyadoo tan iyo xilligaas ay ka dhacayeen weerarro, dilal qorsheysan iyo falal ammaan-darro oo ay geysanayaan kooxo hubeysan.

Xarakada Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inaysan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM aysan ku nasan doonin degmooyin ay ka qabsadeen, waxaana inta badan ay Al-shabaab ka geystaan gobollada dalka weerarro ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya