4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2013
Mudane ka tirsan golaha deegaanka Gabiley oo la xiray iyo Xisbiga WADANI ee Mucaaradka ah oo Cambaareeyay Xadhigaas

Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Xildhibaan Xasan Axmed Maxamed oo ka tirsan golaha deegaanka Gabiley, ayaa maanta xabsiga magaaladaasi loo taxaabay ka dib markii lagu eedeeyey inuu soo abaabulay mudaharaad lagu hor joogsaday tirokoobka dadweynaha oo ka socda gobolka Gabiley.

Xildhibaan Xasan Axmed Maxamed ayaa lagu eedeeyey inuu abaabuley mudaharaad ka dhacay magaaladda Gabiley oo dadweynuhu ka hor joogsadeen tirokoobka dadweynaha oo ka socda magaaladaasi, kuwaas oo ku  doodayey inay ku yar yihiin dadka reer Gabiley ee  tirokoobka ka hawlgalaya ee wasaarada qorsheyntu waddo, isla markaana gobolo kale looga keenay dad ka hawlgalla tirokoobkaasi, taasina waxay keentay inay mudaharaad ay arrintaasi ku diidan yihiin ka dhigaan magaaladda.

Guddoomiyaha Xisbiga WADANI ee gobolka Gabiley Sheekh Axmed C/llaahi Xuseen (Axmed Imaam) oo khadka telefoonka kula xidhiidhay isagoo jooga magaaladda Gabiley ayaa badhasaabka gobolka Gabiley ku eedeeyey inuu xidhay xildhibaaan Xasan Axmed oo ka soo baxay xisbiga Wadani, isla markaana uu arrintaasi cambaaraynayo.

“Waxaan cambaaraynayaa xadhiga lagula kacay xildhibaan Xasan Axmed oo ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka Gabiley, waxaana xadhigaasi ka dambeeyey badhasaabka gobolka, waana khalad in qof xildhibaan ah oo xasaanad umadeed sita la iska xidho, hadii la xidhayo waa in laga qaadaa xasaanada”ayuu yidhi gudoomiyaha WADANI ee gobolka Gabiley Sheekh Axmed Imaam oo ka hadlayey xadhiga xildhibaanka, waxaanu intaas raaciyey “ Badhasaabku waxa uu hore iskaga xidhay dadka faro badan, waxaana usoo jeedinaya  badhasaabka iyo xukuumadan tacbaanka ah ee madaxweyne Siilaanyo in aan dadka la isa xidhxidhi karin”

Maamulka gobolka Gabiley ayaa la sheegay inay xildhibaankan ku eedeeyeen inuu ku kacay fal ka hor imanaya hawsha qaran ee ka socda Somalialnd ee lagu tirokoobayo guud ahaan Somaliland.

Haseyeeshee waxa aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno badhasaabka gobolka Gabiley, balse nooma suurtogalin.

Si kastaba ha ahaatee, waxa guud ahaan ka socda tirokoobka dadweynaha oo ay waddo wasaarada Qorsheynta qaranka oo kaashanaysa hay’adaha Qaramada midoobay, haseyeeshee waxa tirokoobkaasi ka hor yimid qaar ka mid ah magaalooyinka oo wasaaarada ku eedeeyey in aanay si cadaalad ah ku xulan shaqaalaha, isla markaana dad aan magaalooyinkooda u dhalan la keenay iyagoo buuxaan dhalinyaro ka hawlgali lahaa magaalooyinkoodda.

Hase yeeshee wasaarada Qorsheynta ayaa sheegtay inay dhamaysay wixii khilaaf ah ee arrimahaasi ka dhashay, isla markaana si caadi ah hawlihii tirokoobku ka socdaan guud ahaan Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland