4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2013
Eedaysaneyaal loosoo qabtay dhac iyo dil ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari oo Maanta la Xukumay (SAWIRRO)

Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) —
Maxkamadda darajada koowaad ciidamada qalabka sida ee Puntland -laanteeda gobollada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuuy- ayaa maanta u fariisatay labo kiis oo dhac iyo dil isugu jira, kuwaas oo ka kala dhacay suuqa dahabka iyo xarunta xawaaladda KAAH ee magaalada Boosaaso.

Kiiska koowaad oo ahaa dhac loo geystey xawaaladda KAAH xarunta ay magaalada Boosaaso ku leedahay bishii Maarso ee lasoo dhaafay iyo weliba dilka labo kamid ahaa hawlwadeenada shirkadda. Lacagta xawaaladda laga dhacay ayaa ahayd: $27,900 (labaatan iyo todoba kun iyo sagaal boqol oo doolar).

Siddeed qof oo falkaas loosoo qabtay ayaa guddoomiyaha maxkamadda Cabdifataax Xaaji Aadan wuxuu ku dhaawaaqay in maxkamaddu ay u kala xukuntay sidan:
  1. Farxaan C/qaadir Xasan (Dad-laq), dil toogasho ah.
  2. C/fataax Duraan [oo maqane ah], dil toogasho ah.
  3. Maxamed Nayl [oo maqane ah]], dil toogasho ah.
  4. Jamaal C/nuur, 10 sano oo xarig ah.
  5. C/khayr [oo maqane ah] 5 sano oo xarig ah, oo ka bilaabmeysa marka gacanta lagu soo dhigo.
  6. C/xaafid, siddeed bilood oo xarig ah.
  7. Maxamad C/laahi Cabdi, waa lasii daayey.
  8. C/qaadir Xasan (Dad-laq) -oo ah aabaha Farxaan C/qaadir- waa lasii daayey.


Kiiska labaad ayaa ahaa dhac bishan 21-keedii loo geystey suuqa dahabka ee magaalada Boosaaso iyo weliba dilka haweeney kamid ahayd kuwa dahabka iibiya. Falkaas oo isna loo soo qabtay afar qof, waxaa loo kala xumay sidan:
  1. C/raxmaan Cumar Dhaayo, dil toogasho ah.
  2. Maxamed Foos Cartan, 10 sano oo xarig ah.
  3. Khaliil Cumar Dhaayo, 5 sano oo xarig ah.
  4. Ayaan Cumar Dhaayo, inay keento dahabka maqan.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa sanadkan [2013] waxay dil ku xukuntay in ka badan 30 qof. Dadka la xukumey oo qaarkood la toogtey, waxay ku eedeysnaayeen dembiyo kala duwan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland