4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2013
Kenya oo xirtay Askar lagu helay inay Alaabo ka Qaateen Westgate intii uu socday Howlgalkii looga Saarayay Kooxihii Qabsaday


Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Laba askari oo Kenyan ah ayaa jeelka la dhigay kaddib markii lagu helay inay alaabo ka qaateen suuqa Westgate Mall intii uu socday howlgalkii looga saarayay kooxo ka tirsan Al-shabaab oo afar maalmood haystay bishii lasoo dhaafay.

Taliyaha milateriga Kenya, Jen. Julius Karangi ayaa wariyeyaasha u sheegay in labadan askari lagu helay inay alaabo ka qaateen dhismahaas ayna socoto baaris lagu hayo askari saddexaad oo la tuhusan yahay.

Jen. Karangi ayaa diiday in ciidamada Kenya oo dhan dhismahaas ganacsi ka qaateen alaabooyin, balse ay jiraan askar alaabo ka qaatay, kuwaasna ay ku hayaan baaritaanno xooggan.

Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa weeraray xaruntaas dabayaaqadii bishii September ee lasoo dhaafay, iyagoo dhismahaas gacansi gacanta ku hayay afar maalmood oo xiriir ah, waxaana ku dhintay 67-qof.

Warbaahinta CCTV ayaa dhawaan sii daysay filim muujinaya askarta Kenya ee howgalka ku jiray oo alaabo ka qaadanaya suuqaas intii lagu gudo jiray sidii looga saari lahaa kooxihii hubeysnaa ee weerarka ku qabsaday.

Taliyaha ayaa horay u sheegay in ciidamadu ay ka qaateen halkaas biyo la cabo oo keliya, balse maanta ayuu sheegay in laba askari oo laga helay taleefoonnada gacanta oo ay xaruntaas ka qaateen la xiray maanta.

Afhayeenka milateriga Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay in askartan la xiray ay cunnooyin fudud ka qaateen baar ku yaalla gudaha xaruntaas intii uu socday howlgalka, kuwaasna la xiray, kuwo kalena lagu daba-jiro.

Qaar ka mid ah ganacsatada dukaamada ku leh xaruntaas ayaa sheegay in la qaatay alaabooyin kala duwan oo dukaamadooda u yaallay intii howgalku uu socday.

Dhanka kale, taliyaha waaxda dambi-baarista ee Kenya, Ndegwa Muhoro ayaa isaguna warbaahinta Kenya u sheegay inay socdaan baaritaanno lagu hayo nin Somali-Norwegian ah oo ka mid ahaa kooxihii weerarka Westgate geystay, isagoo xusay inay gacan ka siinayaan baaristaan booliiska dunida ee Interpol.

Arritan ayaa waxay fadeexad weyn ku noqonaysaa ciidamada Kenya, iyadoo uu ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga uu sheegay in tani ay ku tahay ciidamada Kenya sumcad-xumo aad u weyn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya