4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2013
Warbaahinta Madaxa-banaan ee Somaliland oo si adag uga hor-timid Xeer Saxaafadeed la doonayo in lagu Cabudhiyo

Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Warbaahinta Madaxa banaaan ayaa si adag uga hadlay xeer cusub oo ay soo wadaan guddidda arrimaha bulshadda ee golaha Wakiiladda, kaas oo caqabad ku noqon karta madax banaanidda saxaafadda.

“Warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland waxay dood dheer ka yeesheen xeer qabyo-qoraal ah oo loogu talo-galay inay ku shaqayso warbaahinta Somaliland, kaas oo ay wadaan guddi-hoosaadka arrimaha bulshada ee golaha wakiillada, lana qorshaynayo in golaha wakiillada la horgeeyo, iyadoo ay dabada ka riixayso xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Kulankaas waxa lagu naaqishay caqabadaha sharci ee uu leeyahay xeerkan qabyo-qoraalka ahi”ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saareen wariyeyaasha ka hawlgalla warbaahinta madaxa banaan, waxaana intaas lagu daray “Xeerkani waxa uu ka kooban yahay toddoba qaybood oo usii qaybsamaya  45 qodob oo badankoodu dabar iyo caqabad ku yihiin xuquuqda muwaadinka, madax bannaanida iyo xil-gudashada saxaafadda.

Xeerkan qabyada ahi waxa uu meesha ka saarayaa jiritaanka warbaahintii madaxa bannaanay (Private Media) iyo sidoo kale warbaahintii dadku wada leeyahay (Public Media), waxaanu dhammaan warbaahintii ka dhigayaa hal warbaahineed oo ah warbaahin dawladeed (State Media) ”.

“Markii ay warbaahinta Somaliland oo kaashanaysa sharciyaqaanno ay muddo dersayeen xeerkan, waxa u soo baxday in uu xeerkani xambaarsan yahay qoddobo iyo mabaadii ka hor imanaya tiirarka dimuqraaddiyadda iyo jiritaanka xorriyatul-qawlka. sidoo kale uu xeerkani salka ku hayo ee warbaahinta u soo baxay waxay yihiin;

  1. In uu ka soo horjeedo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In uu liddi ku yahay xeerka saxaafadda ee dhaqan-galka ah ee Xeer No. 27/2004.
  3. 3-In uu meesha ka saarayo xaqa asxaabta siyaasaddu u leeyihiin inay yeeshaan warbaahin u gaar ah, sida ku xusan xeerka ururada siyaasadda iyo axsaabta qaranka ee (Xeer No. 14/2011) oo dammaanad qaadaya in axsaabta siyaasaddu yeelan karaan warbaahin.
  4. In xeerkani uu ka soo horjeedo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha oo uu aqoonsan yahay fulintiisa dastuurka Somaliland.
  5. Inuu dedafaynayo xaqa muwaadinku u leeyahay in uu hanti gaar ah yeesho, sida ku cad dastuurka JSL.
  6. Inuu aasaasayo hay’ad xukuumi ah oo laalaysa madax bannaanidii warbaahinta, isla markaana hoos geynaysa xukuumadda.
  7. Inuu jidaynayo in warbaahinta lagu samayn karo faafreeb rasmi ah, isla markaana markii la doono lagala noqon karo ruqsadaha shaqada.
  8. Inuu xeerkani awooddii garsoorka ku wareejinayo cid gaar ah, taasina ay sahlayso inay ugu takri-falaan awooddaas siday doonaan.
  9. In xeerkani bannaynayo in dhammaan warbaahintu ay warbixin sanadeed la xidhiidha hawl-maalmeedkooda shaqo ay horgeeyaan golaha Wakiillada, taas oo macnaheedu yahay in warbaahinta laga dhigayo hay’ad dawli ah.
  10. Inuu xeerkani curyaamin ku samaynayo dhaqaalaha hay’adaha warbaahineed ee dalka.”ayaa lagu yidhi bayaankaasi

Warbaahinta madaxa banaan ayaa sheegtay inay si weyn uga soo horjeedaan dabarkan iyo cuno qabateyntan la damacsan yahay in lagu soo rogo warbaahinta madaxa banaan. Sidoo kale, waxay golaha Wakiiladda ugu baaqeen inay joojiyaan inay cabudhiyaan saxaafadda madaxa banaan.

“Waxaannu umadda Somaliland, bulshada caalamka iyo daneeyayaasha xorriyatul-qawlka & dimuqraadiyadda u sheegaynaa in lagu soo duulay madax-bannaanidii saxaafadda Somaliland”ayaa lagu soo xidhay bayaankaasi warbaahinta ka soo baxay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland