4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2013
Laba Ruux oo xalay Siyaabo kala duwan ugu Dhaawacmay Deegaan 90-km dhinaca Waqooyi kaga beegan Degmada Taleex

Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Laba qof ayaa xalay si kala duwan loogu dhaawacay deegaanka Sarmaanyo oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Taleex ee gobolka Sool.

Labadan nin ee dhaawacyadu soo gaareen ayaa mid ka mid ah waxaa toorey ku dhuftay wiil dhallinyaro ah; taasoo kicisay buuq iyo rabshado, walow ay ciidamada ammaanka oo ku sugnaa deegaankaas ay tageen goobihii ay ka dhacday shaqaaqada, iyadoo ay halkaas uu dhaawacmay qof kale oo xabadi caloosha kaga dhacday.

Dhaawaca ruuxii ay xabbadu ku dhacday ayaa loo qaaday Garoowe oo ah xarunta maamulka Puntland sida ay qaraabadoodu u sheegeen warbaahinta sheegeen, halka ruuxii kale ee tooreyda lagu dhaawacayna lagu daweynayo deegaanka Sarmaanyo.

Rabshadahan ayaa kusoo beegmay xili kumannaan qof oo deegaanno kala duwan ka kala yimid ay ku sugan yihiin deegaankaas, kuwaasoo shir beeleed uu uga socdo duleedka deegaankaas.

Kulammo kala duwan ayaa ka soconay saaka waaberigii deegaankaas si xiisadda loo qaboojiyo, iyadoo laga cabsi qabo inay sii kiciso kuwo horay u taagnaa oo xalkooda la raadinaayay.

Dadka badankooda ayaa farta wadnaha ku haya hadii rabshaahan cusub eek a dhashay dhaawacyadan ay sii socdaan, iyadoo baqdinta ugu weyn ay tahay inay saameyaan shir beeleedka halkaas ka socda.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool