4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2013
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Horumarinta & Adeega Bulshada oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay

Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Maxamuud Macalin Yaxye oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda Adeegga Bulshada ee dowlada federaalka Somalia ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, isagoo doonaya Inuu furo dugsi lagu baranaayo caafiimaadka haweenka iyo umulisooyinka.

Tababar haweenka ee noocan oo kale ah ayaan gobolka laga hiegelin tan iyo marikii ay dhacday dowladdii dhexe Kacaanka, magaalada Baydhana maba lahayn xarun lagu tababaro haweenka umulisooyinka ah.

Wasiirka ku xigeenka ayaa wuxuu socdaalkan u noqonayaa kii labaad oo uu ku tago Baydhabo muddo bil gudaheed ah, iyadoo socdaalkiisan uu qayb ka yahay sidii uu u horumarin lahaa caafimaadka iyo waxbarashad gobalka, gaar ahaan dhinaca caafimaadka haweenka.

Mar uu la hadlay warbaahinta ayuu sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay sidii lagu xoojin lahaa caafimaadka haweenka gobolka, iyadoo warbaahintu ay weydiiyeen su’aalo dhowr ah oo la xiriira burburka ka jira Baydhabo ayuu ku jawaabay in iyagu aysan wax shuqul ah ku lahayn shaqooyinkaas, balse ay shaqadoodu tahay horumarinta waxbarashada.

Dhanka kale, shalay ayaa waxaa magaalada Baydhabo soo gaaray ergooyin badan oo ka kala socda gobollada Koonfureed Soomaaliya kuwaasoo ka qaybgalaya shirka maamul u sameynta gobollada lixda ah ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Hiiraan Online, Baydhabo