4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2013
Xildhibaan Cumar Islow Maxamed oo saaka Xanuun Awgiis ugu geeriyooday Isbitaalka Aga Khan ee Magaalada Nairobi

Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Xildhibaan Cumar Islow Maxamed oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa xanuun ugu geeriyooday isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi saakay oo Talaado ah, waxaana maydkiisa lagu aasi doonaa Muqdisho.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in marxuumka uu u geeriyooday xanuun maalmahan hayay, isagoo xusay in aas qaran oo weyn loogu sameyn doono Muqdisho.

“Marxuumka wuxuu ka mid ahaa xildhibaannada firfircoon baarlamaanka, Alle ayaana uga baryaynaa inuu u naxariisto,” ayuu yiri Prof. Jawaari oo ku daray hadalkiisa in marxuumku uu ka mid ahaa xubnaha muhiimka ah ee golaha baarlamaanka Soomaailya.

Xildhibaanka ayaa wuxuu ka mid ahaa xildhibaannada si aadka ah uga dhex-muuqday baarlamaanka xilliyada ay jiraan mooshinnada iyo doodaha adag ee u dhexeeya xukuumadda iyo baarlamaanka Soomaaliya.

Prof. Jawaari ayaa sheegay inuu u saaray qabanqaabada aaskiisa guddi heer sare ah oo ka kooban baarlamaanka iyo xukuumadda, isagoo tacsi u diray gabi ahaan xildhibaannada baarlamaanka iyo ehelladii uu ka geeriyooday.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka oo iyaguna ka hadlay geeriyda Cumar Isloow ayaa waxay ku tilmaameen mid ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ee ku jira baarlamaanka, waxayna sheegeen inuu xubin weyn ka baxay golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Lama sheegin xilliga maydka mudanaha la keeni doono Muqdisho, laakiinse afhayeenka ayaa sheegay in maanta ay billaabayaan qabanqaabada maydka marxuumka lagu keeni lahaa magaalada Muqdisho.

Cumar Islow Maxamed oo si weyn uga dhex muuqday baarlamaanka ayaa wuxuu ka mid noqonayaa xildhibaannadii baarlamaanka Soomaaliya ka geeriyooday halkii sano ee uu jiray, waxaana uu ifka uga tagay xaasas iyo caruur.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya