4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2013
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya oo sheegay in Ibraahim Anta-Anta uu khatar weyn ku ahaa Somalia iyo Gobolka oo dhan


Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa weerarkii ka dhahcay tuulada Dhaay-tubaako ee gobolka J/dhexe ka hadashay kaasoo lagu dilay mid ka mid ah saraakiisha kooxda Al shabaab, laguna magacaabi jiray Ibraahim Cali Cabdi (Anta Anta).

Afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji C/wali ayaa sheegay in dowladdu ay ka warheysay weerarkaasi isla markaana lagu beegsaday hogaamiye ka tirsan kooxda Al-shabaab, kaasoo u qaabilsanaa sameynta miinooyinka iyo qaraxyada kale.

“Howlgalkaas weerarka ah wuxuu ahaa mid u fulay sidii loogu talo-galay, waana tallaabo qayb ka qaadanaysa nabadda iyo xasiloonida dalka,” ayuu yiri afhayeenka oo digniin u jeediyay horjoogayaasha ajaanibta ah ee weli ku dhuumaaleysanaya dalka gudihiisa.

Afhayeenka oo sii hadlaya ayaa yiri: “Sidaad la socotaan kooxda Al-shabaab waxay dhibaato weyn u geysteen shacabka Soomaaliyeed oo ay qaraxyo iyo miinooyin ku laayeen.” Wuxuuna hadalkiisa daba-dhigay in horjoogayaasha Al-shabaab aysan ka baxsan doonin gacanta dowladda lana marsiin doono cadaaladda.

“Ibraahin Cali Cabdi waxaa uu khatar ku ahaa dadka Soomaaliyeed, kuwa gobolka iyo caalamka oo dhan, iskaashi furan ayaana caalamku dowladda kala leenahay cirib-tirka dadka noocan oo kale ah, kuwaasoo khatar ku ah Soomaaliya, gobolka iyo caalamka oo dhan,” ayuu Ridwaan mar kale ku yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xukuumadda.

Hadalka afhayeenka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shalay ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay duqeyn ku dileen hoggaamiye ka tirsan Al-shabaab iyo ruux la socday, kaddib markii ay gantaal la helaan gaari ay wateen oo ku socday degmada Baraawe.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya