4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 29, 2013
Hishiis Hordhac ah oo ay gaareen Beelo uu diriri ku Dhex-marya Deegaanka Kabxanley oo ka tirsan Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Odayaal iyo waxgarad ka soo kala jeeda beelo dhawaan ku dagaallamay deegaanka Kabxanle ee gobolka Hiiraan ayaa gaaray ama kala saxiixday hishiis hor dhac ah oo la doonayo in lagu soo afjaro colaada labada dhinac.

Xildhibaan Nuur Iidoow Beyle oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya sida weyn ugu howlan dhameynta khilaafka labada beellood ayaa HOL u sheegay in kulamo maalmihii ugu danbeeyay la lahaayeen odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ku guuleysteen in hishiis hor dhac ah laga gaaro colaada labada beellood oo khilaafkooda la sheegay in uu ku saleysan yahay lahaashaha dhul beereed ku yeela deegaannada lagu dagaallamay.

“Tan iyo wixii ka danbeeyay dagaallkii dhawaan dhacay kulamo is daba joog ah ayaan la laheyd odayaasha iyo waxgaradka labada beellood si dib danbe aan dhiig loogu daadin, waxaan ku guuleysanay in aan marka hore ku qancino waxgaradka labada dhinac,  In Xabada la joojiyo, In la kala qaado maleeshiyada labada dhinac ee hubeysan iyo In la saaro guddi ka kooban shan xubnood oo aqoon u leh dhulka lagu muransan yahay ee khilaafku ka dhashay,’’ ayuu yiri xildhibaan Nuur Iidoow Beyle.

Waxaa uu intaa ku darray in talaabada labaad ee la qaadayo tahay in rasmi ah loo ogaado lahaashaha dhul beereedka leysku hayo oo loo arkay uu aas aas muhiim ah u yahay dhameynta colaada labada beellood.

“Waxaan uga gudbi doonaa qodobada hadda leysku afgartay in sidoo kale la helo markhaatiyo ama cadeymo muujinaya dhab ahaa cidda iska leh dhulka leysku hayo ee khilaafku ka jiro, iyadoo loo marayo dhinaca sharciga, waxaa la eego doonaa soohdimaha dhulkaas, iyadoo la adeegsanayo waxgarad waayo joog u soo ahaa deegaannka, sidoo kalana Dhaar ayaan arintaa ku kabi doonaa,’’ ayuu yiri Nuur Iidoow Beyle oo sheegay in ujeedadood tahay sidii mar uun loo soo afjari lahaa colaada deegaannadaas ka jirta.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa todobaadyadii aynu soo dhaafnayba siweyn ugu howlanaa dhameynta khilaafka labada beellood oo in mudo ahba soo jiitamayay, mana aha markii ugu horeysay oo sida oo kale hishiis u kala saxiixdaan labada dhinac, laakiin waxaa muuqata in kulamada hadda socda yihiin kuwo ka duwan kuwiii hore, madama ay ku lug leeyihiin xildhibaanno ka soo kala jeeda labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya