4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Maanta si heer ah sare ah loogu soo dhaweeyay Turkiga (SAWIRRO)


Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Madaxweynaha waxaa ku wehliyey safarkan wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, Jamaal Maxamed Barrow, xildhibaanno iyo mas'uuliyiin kale.

Xasan Sheekh ayaa maanta la kulmaya madaxweynaha Turkiga, Cabdalla Gul iyo ra'iisul wasaaraha, Recep Tayyip Erdogan isagoo kala hadli doona xiriirka labada dal, isagoo uga mahadcelin doonaa doorkii hoggaamineed ee Turkiga ay ka qaateen in indhaha caalamka ay mar qura soo eegaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynahu waxuu kala hadli doonaa shirka berri ka dhacaya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo looga hadli doono sidii loo taageeri lahaa ciidanka dowladda Soomaaliya si loo soo af-jaro dagaalka Al-Shabaab, bacdamaa madaxda Turkiga ay garab istaagan yihiin Soomaaliya isla markaana ay caalamka si aad ah ugu ololeeyaan in Soomaaliya la garab istaago.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay maalinta berri ay kulan ka yeeshaan hindise uu Midowga Afrika gudbiyay oo ah in la taageero dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada dowladda iyo sidii ay u heli lahaayeen xuquuqaadkooda.

“Waa markii ugu horreysay oo Qaramada Midoobay ay taageerto ciidamada Soomaaliya, qorshuhuna waa in ciidamada Soomaaliya ay helaan tababar, qalab iyo xuquuqo la mid ah kuwa ay helaan ciidamada AMISOM sida hubka, mushaarka, qalabka iyo caafimaadka,” ayuu yiri Inj. C/raxmaan Yariisow oo la hadlay warbaahinta.

Madaxweynaha ayaa ka qaybgalaya xafladda munaasabadda 90-guuradii ka soo wareegtay markii Turkiga uu xornimada qaatay oo ku beegan maanta oo ah 29-ka Oktoobar. Madaxweynahu waxuu halkaas ka jeedin doono khudbad taariikhi ah oo uu shacabka Turkiga uga mahadcelin doono garab istaaga iyo wallaaltnimada dhabta ah oo ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya