3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Maanta si heer ah sare ah loogu soo dhaweeyay Turkiga (SAWIRRO)


Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Madaxweynaha waxaa ku wehliyey safarkan wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, Jamaal Maxamed Barrow, xildhibaanno iyo mas'uuliyiin kale.

Xasan Sheekh ayaa maanta la kulmaya madaxweynaha Turkiga, Cabdalla Gul iyo ra'iisul wasaaraha, Recep Tayyip Erdogan isagoo kala hadli doona xiriirka labada dal, isagoo uga mahadcelin doonaa doorkii hoggaamineed ee Turkiga ay ka qaateen in indhaha caalamka ay mar qura soo eegaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynahu waxuu kala hadli doonaa shirka berri ka dhacaya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo looga hadli doono sidii loo taageeri lahaa ciidanka dowladda Soomaaliya si loo soo af-jaro dagaalka Al-Shabaab, bacdamaa madaxda Turkiga ay garab istaagan yihiin Soomaaliya isla markaana ay caalamka si aad ah ugu ololeeyaan in Soomaaliya la garab istaago.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay maalinta berri ay kulan ka yeeshaan hindise uu Midowga Afrika gudbiyay oo ah in la taageero dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada dowladda iyo sidii ay u heli lahaayeen xuquuqaadkooda.

“Waa markii ugu horreysay oo Qaramada Midoobay ay taageerto ciidamada Soomaaliya, qorshuhuna waa in ciidamada Soomaaliya ay helaan tababar, qalab iyo xuquuqo la mid ah kuwa ay helaan ciidamada AMISOM sida hubka, mushaarka, qalabka iyo caafimaadka,” ayuu yiri Inj. C/raxmaan Yariisow oo la hadlay warbaahinta.

Madaxweynaha ayaa ka qaybgalaya xafladda munaasabadda 90-guuradii ka soo wareegtay markii Turkiga uu xornimada qaatay oo ku beegan maanta oo ah 29-ka Oktoobar. Madaxweynahu waxuu halkaas ka jeedin doono khudbad taariikhi ah oo uu shacabka Turkiga uga mahadcelin doono garab istaaga iyo wallaaltnimada dhabta ah oo ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/29/2013 3:53 PM EST
Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Xildhibaan Xasan Axmed Maxamed oo ka tirsan golaha deegaanka Gabiley, ayaa maanta xabsiga magaaladaasi loo taxaabay ka dib markii lagu eedeeyey inuu soo abaabulay mudaharaad lagu hor joogsaday tirokoobka dadweynaha oo ka socda gobolka Gabiley.

10/29/2013 3:21 PM EST
Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ciidamada qalabka sida ee Puntland -laanteeda gobollada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuuy- ayaa maanta u fariisatay labo kiis oo dhac iyo dil isugu jira, kuwaas oo ka kala dhacay suuqa dahabka iyo xarunta xawaaladda KAAH ee magaalada Boosaaso.

10/29/2013 12:04 PM EST
Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Laba askari oo Kenyan ah ayaa jeelka la dhigay kaddib markii lagu helay inay alaabo ka qaateen suuqa Westgate Mall intii uu socday howlgalkii looga saarayay kooxo ka tirsan Al-shabaab oo afar maalmood haystay bishii lasoo dhaafay.

10/29/2013 9:50 AM EST
Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Warbaahinta Madaxa banaaan ayaa si adag uga hadlay xeer cusub oo ay soo wadaan guddidda arrimaha bulshadda ee golaha Wakiiladda, kaas oo caqabad ku noqon karta madax banaanidda saxaafadda.

10/29/2013 9:00 AM EST
Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Laba qof ayaa xalay si kala duwan loogu dhaawacay deegaanka Sarmaanyo oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Taleex ee gobolka Sool.

10/29/2013 8:52 AM EST
Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Maxamuud Macalin Yaxye oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda Adeegga Bulshada ee dowlada federaalka Somalia ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, isagoo doonaya Inuu furo dugsi lagu baranaayo caafiimaadka haweenka iyo umulisooyinka.

10/29/2013 8:35 AM EST
Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Xildhibaan Cumar Islow Maxamed oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa xanuun ugu geeriyooday isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi saakay oo Talaado ah, waxaana maydkiisa lagu aasi doonaa Muqdisho.

10/29/2013 8:28 AM EST
Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa weerarkii ka dhahcay tuulada Dhaay-tubaako ee gobolka J/dhexe ka hadashay kaasoo lagu dilay mid ka mid ah saraakiisha kooxda Al shabaab, laguna magacaabi jiray Ibraahim Cali Cabdi (Anta Anta).

10/29/2013 8:25 AM EST
Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Odayaal iyo waxgarad ka soo kala jeeda beelo dhawaan ku dagaallamay deegaanka Kabxanle ee gobolka Hiiraan ayaa gaaray ama kala saxiixday hishiis hor dhac ah oo la doonayo in lagu soo afjaro colaada labada dhinac.

10/29/2013 7:32 AM EST
Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) —Dhamaan gobollada Puntland waxaa si habsami leh uga socda xulista xildhibaanada kamid noqon doona baarlamaanka cusub ee Puntland, kaas la dhaarin doono kahor doorashada madaxtinimada ee loo ballansan yahay bisha Janaayo ee sanadka 2014.

10/29/2013 6:53 AM EST
Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Siddeed musharrax oo kamid ah kuwa u tartamaya xilka madaxweynenimada ee Puntland, ayaa maanta si wadajir ah usoo saaray qoraal ay arrimo badan oo doorashada soo socota la xiriira kaga hadleen.

10/29/2013 4:00 AM EST
Talaado, October 29, 2013(HOL) :- Howlo gurmad dhinaca biyo dhaaminta ah oo lagu gargaarayo kumanaan ruux oo u badan Xoolo dhaqato reer guuraa ah ayaa Ururka Samafalka Wadaniga ah ee SADO labadii todobaad ee ugu dambeeyey waxay ka bilaabeen deegaano badan oo ka tirsan gobalka Gedo oo bilihii ugu dambeeyey ay ka taagnaayeen biyo la’aan aad u daran oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada halkaasi ku dhaqan

10/29/2013 2:06 AM EST
Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Ku xigeenka xoghayaha guud ee QM, Jan Eliasson oo maalmo ka hor soo booqday Muqdisho ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Nairobi kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo arrimo kale.

10/29/2013 1:55 AM EST
Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay inay ka mamnuuceen shacabka ku nool deegaannada ay ka taliyaan fiirsiga telefishinnada afka Soomaaliga ku hadla iyo kuwa kale ee caalamiga ah.

10/29/2013 1:40 AM EST
Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha dalka Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed ayaa markii ugu horreysay sheegay in Al-shabaab oo uu ku sheegay cadow shisheeye ay weerar ku yihiin dalkooda, balse ay iyagu go’aansadeen inay iska difaacaan.

10/29/2013 1:40 AM EST
Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Laba sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab ayaa shalay gellinkii dambe lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, gaar ahaan halka lagu magacaabo Dhay-tobaako.

10/29/2013 1:39 AM EST
Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Jowhar, taliyihii sahanka iyo sirdoonka dowladda Somalia oo lagu magacaabi jiray Xuseen Mooja, waxaana toogashadiisu ay dhacday xilli uu ku socday gurigiisa.