4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2013
Madaxda Dhaqanka ee Puntland oo ku Hawlan Xulista Xildhibaanada ka mid noqon doona Baarlamaanka Cusub ee Puntland

Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) —Dhamaan gobollada Puntland waxaa si habsami leh uga socda xulista xildhibaanada kamid noqon doona baarlamaanka cusub ee Puntland, kaas la dhaarin doono kahor doorashada madaxtinimada ee loo ballansan yahay bisha Janaayo ee sanadka 2014.

Hawsha xulista oo qaybta ugu weyn ay ka qaadan doonaan guurtida iyo waxgaradka beelaha, waxaa go'aankeeda kama dambeysta ah iska leh madaxda dhaqanka ee soo jireenka ah.

Suldaan C/laahi Saalax Jeenicad oo kamid ah isimada Puntland ee arrintaas ku howlan, ayaa sheegay in ay gabagabo ku dhow dahay, islamarkaana inta badan beeluhu ay xildhibaanadii baarlamaanka uga mid noqon lahaa diyaariyeen.

" howshu hadda gabagabo ayey ku dhowdahay, inta badanna waaba soo dhamaatay...inta dhiman todobaadyada soo socda waa iska dhamaan doontaa...howshaas nabadoonada iyo waxgaradka beelaha ayaa qaybta ugu weyn ka qaadanaya, go'aanka kama dambeysta ahse isimada ayaa iska leh" Suldaanka ayaa yiri.

Dhinaca kale waxaa jirta cabasho xooggan oo kasoo yeereysa haweenka Puntland, kaddib markii ay sheegeen in ilaa iyo hadda xildhibaanada la xulay aysan dumarku qayb ku lahayn.

Suldaanka oo aan taas wax ka weydiiyey, ayaa sheegay in kuraasta haweenku ay baarlamaanka ku lahaayeen oo markii horeba iska yaraa aan la hunguriyeyn doonin, maadaama ay haweenku yihiin qaybta ugu muhiimsan bulshada.

Taas isaga oo ka hadlaya, waxaa Suldaan Jeeni-cad ereyadiisii kamid ahaa: "Gabdhaha kuraastooda cidna hunguriyeyn mayso...waa dhici kartaa in tiradii ay horay u lahaayeen aan wax loogu darin lagana dhimin, balse ilama ahan in hadda cid taas damac ka galay ay jirto...haweenku waa lagama marmaan waana qaybta ugu muhiimsan bulshada"

Baarlamaanka Puntland ee hadda jira oo waqtigiisa ay maalmo koobani uga harsan yihiin, waxaa la dhaariyey bishii Oktoobar ee sanadkii 2008. Xildhibaanada baarlamaanka Puntland iyaga ayaa doorta guddoomiyaha baarlamaanka, madaxweynaha iyo weliba madaxweyne ku-xigeenka.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland