4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2013
Siddeed ka mid ah Murashaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Puntland oo Maanta si Wadajir ah Bayaan u soo saaray
Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Siddeed musharrax oo ka mid ah kuwa u tartamaya xilka madaxweynenimada ee Puntland, ayaa maanta si wadajir ah usoo saaray qoraal ay arrimo badan oo doorashada soo socota la xiriira kaga hadleen.

Musharrixiinta qoraalkan ku saxiixan, waxaa ku jira siyaasiyiin horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladda dhexe ee federaalka iyo maamulka Puntland iyo weliba aqoonyahanno caan ah.

Hoos ka akhriso bayaanka...


Bayaan Kasoo Baxay Qaar ka mid ah Murashaxiinta

Xilka Madaxweynaha Puntlanad

28ka Oktoobar, 2013

Murashaxiinta magacyadoodu hoos ku taxan yihiin waxay u tartamayaan xilka madaxweynaha dawladda Puntland marka la gaaro doorashada ku muddaysan in ay dhacdo  8da bisha Jannaayo ee sannadka 2014. Ka dib markii ay in muddo ah wadar ahaan u qiimeynayeen xaaladda dhaqaale, amni iyo siyaasadeed waxaa u wada muuqatay in ay Puntland soo food saartay xaalad khatar ah oo ay tahay in dadkeedu ka badbaadiyo. Isla murashaxiintaasi waxay isla hubsadeen in sida keliya oo ay Puntland uga badabaadi karto khatarta ay tahay in Puntland ay ka dhacdo doorasho xalaala ah. Sidaas awgeed waxay isla garwaaqsadeen, murashaxiinta kalena ugu baaqayaan, in aan u tartamidda xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka aanay ka indhasaabin khatarta puntland ku soo fool leh ee ay u midoobaan sidii ay ku qabsoomi lahayd doorasho xalaal ah.

Tan iyo maalinti xafiiska loo dhaariyey, madaxweyne Cabdiraxmaan  dadaalkiisa oo dhan wuxuu isugu geeyey sidii uu ugu raagi lahaa madaxweynenimada. Sannadki dheeraadka ku ahaa xilli xakuumadeedki  rasmiga ahaa iyo abaabuliddi dorashooyin golayaasha degaanka, ayada oo aanay jirin ururro siyaasadeed oo ku tartamaya, waxaa loogu googol-xaareyey doroorasha madaxweyne oo ah run ahaanti “nin dooran doorta”. Shacabka Puntland wuxuu 14kii Agoosto ku guuleystey in aan maamulka madaxweyne Faroole u meel-marin doorashadi la shaaciyey in ay qabsoomeyso 15kii isla bishaas.

Murashaxiintu, ka dib marki ay dhinac walba ka fiiriyeen waxay isla gaareen qodobbada hoos ku qoran oo ay hubaan inay cabbirayaan dareenka shacabka ee la xariira shuruudaha ay ku dhici karto doorasho xalaal ah.

  1. Dammaanad-Qaadidda Isimmada

Qabsoomiddii shirweynihii asaasidda Puntland waxaa guddoomiyey Isimmada Puntland. Waxaa kaloo ay tahay in la is-xusuusiyo in doorashadii labaad iyo tii saddexaad ay adkaan lahayeen inay qabsoomaaan haddii anayn Isimadu faragelin ku samayn xiisadihii siyaasadda ee jirey. Maa daama aan weli lagu guuleysan in Puntland u tallawdo tartan xisbiyo badan, mar kasta oo loo noqdo habka ku dhisan qaab beeleedka, waa Isimmada kuwa go’aaminaya qofka noqonaya xildhibaan Golaha shacabka. Arrimahaas oo dhan waxay ka marag kacayaan in mas’uuliyadda ugu dambaysa ee aayaha siyaasadda uu weli saaranyahay Isimmada. Sidaas awgeed, murashaxiinta bayaankan saxiixay, waxay ku baaqayaaan qabsoomidda Shirkii Isimmada ee uu gogoshiisa dhigay ku-simaha Boqorku, welina aan la laabin..

  1. Olole Doorasho oo Xor Ah

In kasta oo nidaamka doorashada ee hab beeleedka ku dhisan aaney si toos uga gayb-gelayn dadweynuhu, waxaa haddana hubaal ah in xildhibaannada wax dooranaya ay ka soo jeedaan qaybaha bulshada iyo degaannadda Puntland oo dhan, sidaas awgeedna ay lagama maarmaan tahay in ay saamayn ku yeeshaan natiijada. Siyaabaha dadweynahu saamaynta ugu yeelanayo natiijada doorashada waxaa ka mid in la abaabulo fagaare murashaxiintu ku soo bandhigayaan afkaartooda muddo ka hor maalinta doorashada. Fagaarahaasi waa inuu ahaado mid dhex-dhexaad ah  murashaxiintana loo dejiyo jadwal iyo wakhtiyo isku mid ah. Hadal jeedinta murashaxiinta waa in si toos ah looga baahiyo isgaarsiinta Tvda iyo idaacadaha una furnaato su’aalaha dadweynaha.

  1. Guddiga Xallinta Khilaafaadka

Guddigii Xallinta Khilaafaadka ee Golihii shacabka ee koowaad waxaa la qabtay doorashadii madaxweynaha ka dib iyo marki ay kale tageen shirweyinihi dastuuriga ahaa iyo isimaddii kor-joogtaynayey socodka shirweynaha. Sidaas awgeed, ma jirin wax diidma ah oo ka hortimi inuu magacaabo madaxweynihii markaas la doortay.  Dororashadii labaad, waxaa jirey murashixiin uu hormuud ka ahaa Madaxweyne faroole oo ka hor yimi in madaxweynihii markaas xilka hayey uu magacaabo guddigaas. Dhex-dhexaadin Isimadda iyo xubnihi uu magacaabay madaxweynihi markaas oo ahaa muwaaddiniin bulshada sumacad ku leh, aqlabiyaddii murashaxiintuna waa ay ku qanceen. Doorashadii saddexaad oo ahayd tii lagu doortay madaxweyne Faroole, in madaxweynihi xilka hayey uu magtacaabo guddigaas waxaa ka hor yimi murashaxiin uu afhayeen u ahaa madaxweynaha hadda xilka haya, ugu dmabaytiina waa la wada magacaabay. Murashaxiinta baaqan saxiixay waxay doonayaan in  Guddiga Xallinta Khilaafaadka ay ka wada tashadaan dhammaan murashaxiintu, wixii khilaaf oo ka dhashan loo bandhigo Isimmada si ay guddoon uga gaaraan.

  1. Amniga Xilliga Doorashada

Ciidammada Daraawiishta iyo Booliska muddo ayay mushahar la’aan ahaayeen waxaana jira culays dhaqaale oo ay la il-daranyihiin. Sidaas awgeed waxaa lagama marmaan ah in ciidammada aminga la siiyo dhammaan mushaharooyinka ay ku leeyihiin maamulka. Ciidanka Caasimada laga bilaabo 1da Nov. cidda keliya ee lagu hallayn karo waa ciidanka daraawiishta iyo taliskooda uu madaxda ka yahjay Gen.Siciid Maxamad Xirsi (Siciid Dheere). Tirada, nooca hubka iyo hab-dhaqanka ilaalada gaarka ah ee murashaxiinta, oo uu ku jiro Madaxweynuhu, waa in la isla cayimo taliyaha Daraawwishtuna uu la socodo dhaq-dhaqaaqooda.

  1. Doorasho Hufan

Aqlabiyadda shacabka iyo dhammaan murashaxiinta la tartamaya madaxweynaha xilka haya waxay doonayaan in Puntland ay ka dhacdo doorasho ka hufan musuq-maasuq. Sidaas awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in la isla meel dhigo qaab maangal ah oo lagu hubinayo in aan dhaq-dhaqaaqa maaliyadda iyo agabka guud ee dadka ka dhexeeya aan adeegsigooda murashaxna gaarkiisa u bursan.

  1. Goob-joogayaal Caalamiya

Heerka ay marayaan xiisadaha doorashadu iyo ifafaalayaasha muuqda oo u adeegaya in aan puntland ka dhicin doorasho xalaal ah waxay tilmaamyaan lagama maarmaanimada goob-joogayaal caalamiya oo isha ku haya dhamman hab-socdka doorashada.

ALLAA MAHAD LEH

Murashaxiinta Baaqan Wada gaarey

  1. Gen. Cabdullahi  Siciid Samantar

  2. Dr. Maxamad Cali Yuusuf

  3. Dr. Yaasiin Faarax Cartan

  4. Eng. Cali Xaaji Cabdulle Dhegoole

  5. Prof. Cabdi Weli Maxamad Cali (Gaas)

  6. Dr. Saadiq Eenow

  7. Cali Cabdi Awaare

  8. Prof. Axmad Cabbaas Axmad (Gacma Gaab)


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland