4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2013
Hay'adda SADO oo Howlo Gurmad Biyo Dhaamin ah ka wada Deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Somalia (SAWIRRO)



Talaado, October 29, 2013(HOL) :- Howlo gurmad dhinaca biyo dhaaminta ah oo lagu gargaarayo kumannaan ruux oo u badan Xoolo dhaqato reer guuraa ah, ayaa Ururka Samafalka Wadaniga ah ee SADO  labadii todobaad ee ugu dambeeyey waxay ka bilaabeen deegaano badan oo ka tirsan gobalka Gedo oo bilihii ugu dambeeyey ay ka taagnaayeen biyo la’aan aad u daran oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada halkaasi ku dhaqan.

Meelaha ugu daran ee laga bilaabay howlaha Gurmadka biyo dhaaminta ayaa waxaa ka mid ah Tuulooyin badan oo ka kala tirsan degmooyinka Ceelwaaq, Baladxaawo iyo Garbahaarey iyo weliba dhulka miyiga ah ee ku teedsan degmooyinkaasi, halkaasi oo bilihii ugu dambeeyay ay isa soo tareeysay qeylo dhaan ku aadan abaaro iyo biyo la’aanta oo gaartey heerkii ugu adkaa.

Mid ka mid ah Howlwadeenda Ururka Samafalka ee SADO oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in howsha gurmadka biyo dhaamintu ay u socoto sidii loogu tala galay, islamarkaana biyaha ay gaarsiiyeen dad ka badan ilaa 4800 oo qoys, isagoo sheegayna in howlahaasi gurmad ay u kireeyeen Booyado lagu daabulayo Biyaha.

Ibraahin Cali Xuseen oo ka mid ah Odoyaasha Tuulada Garsaal oo ka tirsan degmada Ceelwaq ayaa ku amaanay SADO gurmadka biyo dhaaminta ah ee ay ka bilowdey Gobolka, isagoo sheegay in xaaladda dadka deegaanka ay taagneyd heerkii ugu xumaa, ka hor inta aanan biyaha la soo gaarsiin.

Si kastaba ha ahaatee Howshani gurmadka Biyo dhaaminta ah ee haatan ka socota deegaano badan oo katirsan Gobolka Gedo ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli weli meelo badan oo Gobolka ay ka jirto baahi aad u daran oo dhinaca biyaha ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected] 
Muqdisho-Soomaaliya.