4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2013
JAN ELIASSON: “Ciidamada Dalka Kenya Nabad ayay ka Dhigeen Kismaayo; Soomaaliyana ma ahan goob qoxootiga lagu celin karo”

Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Ku xigeenka xoghayaha guud ee QM, Jan Eliasson oo maalmo ka hor soo booqday Muqdisho ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Nairobi kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo arrimo kale.

Eliasson ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay nabad ka dhigeen Kismaayo oo uu sheegay inay dhibaatooyin kala duwan soo martay, wuxuuna xusay in xilligan aysan jirin goob nabad ah oo lagu celiyo qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya.

“Magaalada Kismaayo dhibaatooyin fara badan ayay soo martay, balse markii ay ciidamada Kenya tageen halkaas nabad ayaa kusoo laabatay, runtii haatan waa meel nabadoon, waxaana socda dadaallo lagu dhameynayo mad-madow soo dhexglay maamulka Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Eliasson.

Sidoo kale, ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ku sheegay shirkiisa jaraa’id in Soomaliya aysan xilligan ahayn goob nabdoon oo lagu celin karo qoxootiga, iyadoo hadalkiisan uu imaanayo xilli ay wado dowladda Kenya qorshe ay qoxootiga Soomaalida ah dalkeeda uga saarayso.

Mar uu ka hadlay kordhinta ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia ayaa wuxuu sheegay in lasoo jeediyay kordhinta ciidamada oo ka socda shan dal oo Afrikaan ah, isagoo sheegay inay soo dhaweynayaan in la kordhiyo.

Eliasson oo maalin ka hor booqasho ku yimid Muqdisho ayaa wuxuu kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha, waxayna labada mas’uul ka dalbadeen in qayb uu ka qaato sidi lagu kordhin lahaa ciidanka AMISOM laguna qalabeyn lahaa iyo in ciidamada Soomaaliya dib u dhis loogu sameeyo.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda ka fariistaan shir looga hadlayo kordhinta ciidamada AMISOM iyo tababaridda iyo qalabeynta ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Eliasson wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo isbedelka ka jira Soomaaliya, isagoo sheegay inuu aad ugu farxay inuu booqdo Muqdisho muddo dheer kaddib.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya