4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2013
Al-shabaab oo shacabka ku nool deegaanada ay ka taliso ka joojisay fiirsiga Telefishinnada Soomaaliga iyo kuwa Caalamka

Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Xarakada  Al-shabaab ayaa la sheegay inay ka mamnuuceen shacabka ku nool deegaannada ay ka taliyaan fiirsiga telefishinnada afka Soomaaliga ku hadla iyo kuwa kale ee caalamiga ah.

Goobjoogayaal ku sugan degmooyinka Baraawe iyo Buulo-mareer ayaa u sheegay warbaahinta in amarkan uu kasoo baxay guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla.

“Amarkan ayaa lagu sheegay inaan la daawan karin telefishinnada ku hadla afka Soomaaliga iyo kuwa kale ee caalamiga ah,” ayay yiraahdeen dhowr qof oo ku sugan deegaannada uu amarkan saameynayo, kuwaasoo diiday inay ka shaqeeyaan warbaahinta magacyadooda.

Waxgaradka deegaannadaas oo arrintan kala hadlay Al-shabaab ayaa waxay sheegeen in saraakiisha Al-shabaab ay ku wargeliyeen inay shacabka ugu bedeli doonaan fiirsiga telefishinnada waxbarasho maalin iyo habeen bixi doonta.

Si dhab ah looma oga sababta Al-shabaab ay u mamnuucday in shacabku ay daawadaan telefishinnada, inkastoo dadweynuhu aysan sheegin in amar lagu siiyay inay guryahooda ka dajiyaan diishashka laga daawado telefishinnada.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay soo saarto amar ay dadka uga mamnuucayso daawashada telefishinnada, balse waxay tani imaanaysaa xilli ay kordheen duqeymaha Mareykanku uu ka geysanayo deegaannada ay Al-shabaab ka taliso.

Arrintan ayaa waxay amkaag ku reebtay shacabka ku nool deegaannada ay weli Al-shabaab ka taliso, waxaana Al-shabaab oo deegaanno badan laga saaray ay weli ka taliyaan deegaanno ku yaalla Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya