4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2013
Saraakiil ka Tirsan Kooxda Al-shabaab oo lagu dilay duleedka Degmada Jilib iyo Dowladaha Mareykanka iyo Somalia oo ka hadlay

Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Laba sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab ayaa shalay gellinkii dambe lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, gaar ahaan halka lagu magacaabo Dhay-tobaako.

Weerarkan ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay dowladda Mareykanka iyadoo war kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga dalkaas lagu sheegay in labada qof uu ku jiray sarkaal ay si aad ah u doon-doonayeen oo lagu magacaabi jiray, Ibraahim Cali Cabdi (Anta-Anta), kaasoo la sheegay inuu Al-shabaab u qaabilsanaa dhinaca weerarrada ismiidaaminta ah.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid la qorsheysanyay muddo, isagoo sheegay in sirdoonka Soomaaliya ay isku dayayee muddaba in la dilo sarkaalkan, balse ugu dambeyn lagu guuleystay.

“Ibraahim Anta-Anta wuxuu ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab u qaabilsan dhinaca qaraxyada ismiidaaminta ah, dilkiisana waa guul weyn, waxaana aad ugu faraxsanahay in tani ay Al-shabaab ku tahay dhabar-jab weyn,” ayuu yiri Guuleed.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Jilib ayaa sheegay inay maqleen shalay gellinkii dambe qarax weyn, laguna dilay laba sarkaal oo Al-shabaab ka mid ahaa, kuwaasoo ku socday degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Duqeynta ayaa waxaa geystay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Mareykanka, waxaana la sheegay in gaarigii ay labadan nin la socdeen uu burburay gabi ahaantiisa, ayna ku gubteen halkaas labadii sarkaal.

Al-shabaab oo ka hadashay duqeyntan ayaa sheegtay in lagu dilay dad rayid ah, balse aan lagu dilin saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, taas oo ka duwan hadalladii kasoo baxay Mareykanka iyo dowladda Somalia.

Dilka saraakiisha Al-shabaab ka tirsan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dowladda Mareykanka ay ku guuldarreysatay weerar ay ku qaaday guri ku yaalla xeebta degmada Baraawe, kaasoo ay doonaysay inay ku disho sarkaal Al-shabaab ka tirsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya