4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2013
Kooxo hubeysan oo Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ku dilay Xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe ee Jowhar

Talaado, Oktoobar 29, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Jowhar, taliyihii sahanka iyo sirdoonka dowladda Somalia oo lagu magacaabi jiray Xuseen Mooja, waxaana toogashadiisu ay dhacday xilli uu ku socday gurigiisa.

Cismaan Gaab oo ka mid ah saraakiisha dowladda Soomaaliya ee gobolka Shabeellada Dhese ayaa sheegay in sarkaalka lagu toogtay meel ku dhow gurigiisa, isagoo intaas ku daray in dableyda dilka geystay ay markiiba ka baxasdeen goobta.

“Howlgallo la sameeyay dilka kaddib waxaan kusoo qabqabatay dhowr qof oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dilkaas, waxaana qorsheynaynaa inaan sharciga horkeenno,” ayuu yiri Cismaan Gaab.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in taliyihii sahanka iyo sirdoonka dowladda Soomaaliya aanay la socon wax ciidammo ah markii la tooganayay uuna iska ahaa nin wadaad ah oo aan ogolayn inay ciidammo ilaaliyaan.

“Marxuumka waxaa lagu dhuftay toddoba xabbadood goobtii ayayna naftu kaga baxday, saaka ayaana wadnaa inaan maydkiisa aasno,” ayuu Cismaan Gaab hadalkiisa ku daray, waxaana uu dilkan ku eedeeyay Al-shabaab.

Inkastoo aysan jirin koox sheegatay weli dilkiisa ayaa haddana dilkan wuxuu noqonayaa kii labaad oo bishan gudaheed loogu geystay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa xilliyadii lasoo dhaafay kusoo badanayay dilal ay geysanayaan kooxo hubeysan iyo qaraxyo mararka qaarkood lala beegsado goobaha ay dadku ku badan yihiin iyo saldhigyada cidiamada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya