4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2013
Hay’adda Mama Asha Foundation oo deeq gaarsiisay Qoysas ku barakacay Fatahaada Webiga Gobolka Shabeellaha Dhexe


Isniin, Oktoobar 28, 2013 (HOL) — Hay’adda Mama Asha Foundation ayaa qoysaskii ku barakacy fatahaadda webiga shabeell ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa deeq gaarsiisay, kuwaasoo dhawaan ka barakacay fatahaada wabiga shabeelle uu ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Deeqda la gaarsiiyay qoysaska saameynta ay ku yeelatay fatahaada ayaa isugu jirtay Bur, Bariis, iyo Saliid, waxaana ka faa’ideystay kaalamada boqolaal qoysas ah oo sheegay tan markii ay ka soo barakaceen guryihii ay ku noolaayeen in aysan wax gargaar ah helin.

Deeqda ayaa ku kacday lacag dhan $5000 doolar, waxaana loogu talagalay in ay si gaar ah uga faa’ideystaan dadka jilicsan, sida haweenka iyo dadka da’da ah ee aan awooda badan u laheyn in ay iska difaacaan dhibaatada ka soo food saartay barakaca.

Dadkii ka faa’ideystay deeqda ayaa siweyn ugu mahad celiyay hay’addaha Mama Asha Foundation, iyaga oo sheegay in kaalmadan ay noqoneyso tii ugu horeysay ee nooceeda oo ay hellaan.Wabiga Shabeelle oo fatahaad xoog leh ka sameeyay deegaanno hoostaga gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa ku barakacay kumanaan qoysas ah, kuwaa oo xiligan dhibaato dhinaca nolasha ah la soo daristay.

Mama Asha Foundation oo ah hay’ad kheyri ah ayaa marar badan oo hore  gargaar kala duwan ugu deeqday dad dhibaateysan oo ku dhaqan gobollada dhexe Soomaaliya, waxaana ka mid ah meelaha ay kaalmada gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya