4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2013
Wasaarada Kalluumaysiga ee Puntland oo Heshiis kalluumeysi la saxiixatay Shirkad laga leeyahay Waddanka Thailand

Isniin, Oktoobar 28, 2013 (HOL) —
Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Puntland ayaa heshiis la gashay shirkad kalluumaysi oo lagu magacaabo Hamza Foundation taas laga leeyahay
dalka Thailand. Heshiiska ayaa u ogolaanaya shirkaddaas in ay ka kalluumaysato xeebaha Puntland.

Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Puntland Maxamed Faarax Aadan iyo Fu’aad Mahdi oo wakiil ka ahaa shirkadda, ayaa heshiiskaas si wadajir ah u saxiixay. Wasiirka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heshiisku uu yahay mid ay labada dhinacba dani ugu jirto.

Inkastoo uusan faah faahin dheeri ah ka bixin muddada heshiiska, xaddiga iyo noocyada kalluunka ah ee
shirkadda Hamza Foundation loo ogolaaday , wuxuu hadana wasiirku sheegay in heshiiskani uu yahay mid kooban.

"Heshiis ballaran ma ahan, waa heshiis kooban waxan ku heshiney labadan nin ee ganacsatada ah in ay keensadaan gaadiid kallmuumysi Puntland anaguna aan u ogolaano in ay ka kalluumaystaan, qaabkii saxda ahaana la maro" wasiirka oo warfidiyeenka la hadlayey ayaa sidaas yiri.

Waa markii ugu horreysey oo ay Puntland heshiis noocan ah la gasho shirkad kalluumaysi laga leeyahay dalka Thailand, wuxuuna kusoo aadayaa xilli ay xeebaha Puntland si sharci darro ah uga kalluumaystaan maraakiib iyo doonyo intooda badan laga leeyahay dalalka Asia.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland