4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Maanta ayaa Daah-furay shir looga Hadlayo Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SAWIRRO)


Isniin, Oktoobar 28, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta daah-furaye shir looga hadlayo horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, shirkaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey oo looga hadlo dhaqan-galinta barnaamijka higsaga cusub, waxaana shirkaasi kasoo qayb-galay wakiillo ka socday madaxtooyada, baarlamaanka, wasiirro, xubno ka socda beesha caalamka, bulshada rayidka ah iyo xubno kale oo ka socday gobollada dalka.

Shirkaan ayaa ah mid ay dowladda Soomaaliya iyo bulshada caalamku iskula gaareen dhisidda guddi aruuriya xogaha iyo diyaarinta habka hormarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya, taao o fulinteeda loo marayo barnaamijka Higsaga Cusub, iyadoo ahmiyada la siinaya arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo isku xirka mucaawinooyinka la siinayo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Saacid ayaa ku tilmaamay shirkaan inuu leeyahay muhiimad gaar ah taasoo ah xaqiijinta mirihii kasoo baxay shirkii barnaamijka Higsiga Cusub ee 16, Sept,2013 ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Beljamka.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Dowladeydu waxay diyaar u tahay inay qaadato mas’uuliyad weyn marka laga hadlayo mustaqbalka Somalia, shirkan wuxuu ka mid yahay qorshaha ugu horreeyey ee lagu xaqiijinayo ka dhabaynta riyadii Higsiga Cusub ee ay dadka iyo dowladooduba isagoo dukumenti dhamaystiran ah shirkii Brussels hordhigeen,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Mudane Saacid ayaa intaas ku daray in shacabka iyo dowladda Somalia ay ku mideysan yihiin dukumentigii (Compact) kasoo baxay shirkii Brussels, lana guda-galayo sidii loo fuin lahaa.

“Shirkii Brussels wuxuu ka turjumayay sidii loo fulin lahaa waxyaalaha ay Soomaaliya mudnaanta siinayso; iyadoo loo marayo hannaanka Higsiga Cusub, waxayna noo leedahay muhiimad gaar ah inaan si dhaqso ah u dhaqaajino fulintiisa. Maantana waxaa bilaabatay tilaabadii ugu horreysay ee loo qaadayay sidii loo hirgalin lahaa Higsiga Cusub,” ayuu Saacid mar kale yiri.

Ugu danbayn, ra’iisul wasaaraha Somalia sheegay in siddeed bilood uu jiray shaki weyn oo ku aaddan sidii loo fulin lahaa Higsaiga Cusub (New Deal), balse markii la sameeyay wadatashiyo, doodo iyo shaqo adag maanta waxaan haysannaa dukumenti dhamaystiran oo ay ku jiraan dhammaan baahiyaha kala duwan ee Soomaaliya lagu hormarin karo, waxaan u mahad-celinayaa kuwii u dhabar-adaygay kana miro dhaliyay Higsiga Cusub.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya