3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2013
Madaxweynaha Somalia oo la sheegay inuu ka baaqday safar uu Maanta ku tegi lahaa Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo

Isniin, Oktoobar 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ka baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalada Kisamayo ee xarunta gobolka Jubbda Hoose, iyadoo la sheegay in laba casho kaddib uu booqan doono magaaladaas.

Saakay ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka socday diyaar-garow xooggan oo lagu soo dhaweynayo madaxweynaha Soomaaliya, balse wariyeyaal ku sugan magaaladaas ayaa sheegay in lagu wargeliyay in madaxweynuhu uu baaqday.

“Mas’uuliyiinta maamulka Jubba ayaa nagu wargeliyay in dib u dhac uu ku yimid safarkii uu madaxweynuhu ku imaan lahaa Kismaayo, mana garanayno sababta,” ayaa laga soo xigtay wariyeyaal Kismaayo ku sugan oo ka mid ahaa kuwii isku diyaarinayay inay garoonka diyaaradaha aadaan.

Lama sheegin sababta keentay in madaxweynaha Soomaaliya uu mar kale ka baaqdo safar uu ku tegi lahaa magaalada Kismaayo muddo hal toddobaad gudaheed ah, waxaana magaaladaas kaga horreeyay wafdi uu horkacayay waisirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegay in madaxweynuhu uu u baaqday arrin la xiriira safar uu ku tagayo dalka Turkiga, inkastoo aanu warkan ahayn mid ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya.

Socdaalka madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagayo Kismaayo ayaa waxaa la sheegay inuu salka ku hayo sidii uu ugala hadli lahaa mas’uuliyiinta KMG ah ee maamulka Jubba heshiiskii ay dowladda la galeen iyo mad-madow soo dhexgalay labada dhinac.

Ma jiro illaa hadal hadal kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba, kaasoo ku saabsan baaqashada madaxweynaha uu ka baaqday inuu safar ku tago magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/28/2013 4:41 PM EST
Isniin, Oktoobar 28, 2013 (HOL) - Jaaliyadda gobolka Hiiraan ee ku nool magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa xalay iskugu yimid kulan tacsi iyo baroordiiq ah, kaas oo ay ugu duceeyeen dadkii lagu xasuuqay magaalada Beledweyne 20-kii bishan.

10/28/2013 12:22 PM EST
Isniin, Oktoobar 28, 2013 (HOL) — Hay’adda Mama Asha Foundation ayaa qoysaskii ku barakacy fatahaadda webiga shabeell ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa deeq gaarsiisay, kuwaasoo dhawaan ka barakacay fatahaada wabiga shabeelle uu ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

10/28/2013 11:17 AM EST
Xaaji Maxamed Yaasiin oo u sharaxan Madaxtinimada Puntland doorashada soo socota ee la filayo inay Puntland ka dhacdo ayaa shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay Nairobi waxaa kaga hadlay xaalada Puntland gaar ahaanna shirka ka socda Magaalada Taleex ee gobolka Sool iyo wafdiga uu maamulka Puntland halkaasi u diray.

10/28/2013 8:16 AM EST
Isniin, Oktoobar 28, 2013 (HOL) — Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Puntland ayaa heshiis la gashay shirkad kalluumaysi oo dalka Thailand laga leeyahay. Heshiiska ayaa u ogolaanaya shirkaddaas in ay ka kalluumaysato xeebaha Puntland.

10/28/2013 8:14 AM EST
Ammaanka qaar kamid ah xarumaha waawayn ee ganacsiga magaalada Nairobi ayaa si aad ah loo adkeeyay kadib markii la helay farriimo cabsi xambaarsan oo sheegaya in goobahaas lagu qaadi doono weeraro argagixiso.

10/28/2013 7:42 AM EST
Isniin, Oktoobar 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Lilianne Ploumen oo ah wasiiradda arrimaha dibadda, ganacsiga iyo horumarinta caalamiga ah ee dalka Holland oo ay la socdeen shirkado ganacsi oo waaweyn oo raba inay dalka maalgeshi ku sameeyaan.

10/28/2013 7:33 AM EST
Isniin, Oktoobar 28, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta daah-furaye shir looga hadlayo horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, shirkaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey oo looga hadlo dhaqan-galinta barnaamijka higsaga cusub, waxaana shirkaasi kasoo qayb-galay wakiillo ka socday madaxtooyada, baarlamaanka, wasiirro, xubno ka socda beesha caalamka, bulshada rayidka ah iyo xubno kale oo ka socday gobollada dalka.

10/28/2013 5:41 AM EST
Isniin, October 28, 2013(HOL) :- Iyadoo la filayo in magaalada Kismaayo uu gaaro madaxweeynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa magaalada Kismaayo siweyn looga dareemayaa u diyaargarow ku aadan arintaasi.

10/28/2013 3:18 AM EST
Isniin, Oktoobar 28, 2013 (HOL) — Xogyahaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa dadaal xooggan ugu jiray in la kordhiyo ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kaddib markii Al-shabaab ay sheegatay weerarkii bishii hore lagu qaaday suuqa ganacsiga Westgate Mall ee Nairobi, taasoo ay ku dhinteen 67-qof.

10/28/2013 3:17 AM EST
Isniin, Oktoobar 28, 2013 (HOL) — Madaxa Universal TV ee bariga iyo bartamaha Afrika, C/llaahi Xirsi Kulmiye oo la hadlay warbaahinta aaskii wariye Tima-cadde ayaa sheegay in geerida wariyaha ay u haystaan dowladda ayna tunka ku dhaganaan doonaan tan iyo inta ay war cad kasoo saarayso.

10/28/2013 1:23 AM EST
Isniin, Oktoobar 28, 2013 (HOL) - Xaflad ay soo abaabuleen Soomaalida ku dhaqan magalada Boston ee gobalka Massachusetts USA oo ay ku muujinayeen taageerida musharaxa duqa magaalada Boston John Connolly ayaa ka dhacday habeenimadii Axada oo tariikhdu ku adaneeyd Oktoobar 27keedii magaalada Boston.