4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2013
Golaha Wasiirrada Somalia oo kulan ay maanta yeesheen ku go'aansaday in la kordhiyo Miisaaniyadda Dowladda (SAWIRRO)


Axad, Oktoobar 27, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Somalia ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeesheen xaruntooda Muqdisho, kaasoo ay kaga doodeen kordhinta miisaaniyadda sanadaka 2014-ka, heshiis dhawaan dhex-maray wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka badda iyo shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Al-Bayrak taasoo la wareegi doonta maamulka iyo horumarinta dekedda weyn ee Muqdisho.

Kulanka oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Sacaaid) ayaa waxaa ugu horreyntii diiradda lagu saaray kordhinta miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2014-ka, waxayna golaha wasiirradu falanqeyn dheer kaddib isla garteen in la kordhiyo miisaaniyadda, maadaama la filayo inay kordhaan waxqabadka hay’addaha dowladda, gaar ahaan wasaaradaha; iyadoo dhawaan shirkii caalamiga ahaa ee Brussels loogu yaboohay Soomaaliya dhaqaale aad u badan oo lagu dhisayo dalka.

Sidoo kale, kulankan gaarka ah ayay golaha wasiirradu dood-dheer kaddib ay si buuxda u ansixiyeen heshiis dhex-maray bishan 24-keedii wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka badda iyo shirkad Turki ah oo lagu magacaabo Al Bayrak, taasoo maamuli doonta muddo 20 sano ah dekedda weyn ee Muqdisho, iyadoo shirkaddu ay dayactir, qalabeyn iyo casriyeyn ku sameyn doonto dekedda Muqdisho.

Afhayeenka xukuumada, Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo shirka golaha kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in adeegyada ay dekeddu qabato, marka laga tago canshuuraha ay kasoo xaroodaan lacag dhan $200,000-$300,000 (Labo boqol illaa saddex boqol oo kun), lana rajeynayo in marka ay shirkaddani la wareegto maamulka dakadda ay gaarsiin doonto 6.5 milyan oo doollar; iyadoo muhimad gaar ah la siinayo in la kordhiyo dakhliga dawladda Soomaaliya.

Dhanka kale, afhayeenka xukuumada ayaa sheegay in golaha wasiirradu ay tacsi u diray Allaha u naxariistee wariye Maxamed Maxamuud (Tima-cadde) oo u geeriyooday dhaawac dhawaan ay u geysteen kooxo dhagar-qabayaal ah, waxayna tacsi u direen qoyskii, qaraabadii iyo bahda warfaafinta. Iyadoo xukuumaddu ay sheegtay inaanay marna u dulqaadan doonin xadgudubyada noocan oo kale ah ee lagu weerarayo wariyayaasha Soomaaliyeed.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya