4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2013
Gaadiidley ka Cabanaya Is-baarooyin badan oo ay soo dhigteen Kooxo wata Direeska Ciidamada Dowladda Somalia

Axad, Oktoobar 27, 2013 (HOL) — Mid ka mid ah guddiga gaadiidka Gobalka Bay , Cabdiraxmaan Xaaji Xasan (Luunge) ayaa sheegey inay ka cabanayaan maleeshiya wadata direyska ciidamada dowladda federaalka Soomaalia oo weerar ku hayaan gaadiidka ka shaqeeya inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Baydhabo, isagoo sheegay inay gaadiidka ka qaataan lacag aad u tiro badan taasoo mararka qaarkood loo gaysto dhac bareer ah rakaabka gaadiidkaas la socda.

Cabashada isbaarooyinka ayaa soo noq-noqatay taasoo ay caadeysteen maleeshiyada ama ciidamo wata direyska ciidanka dowladda, Cabdiraxmaan Xaaji ayaa waxuu warbaahinta u sheegey in ciidamada dowladda ay qaataan nushaar, ayna isbaaro ka qaataan shacabka iyagoo amniga waddooyinkana aysan sugaynin.

Maalmahan ayaa waxay ganacsatada iyo gaadiidleyda ka cabanayeen is-baartooyin iyo canshuur xad-dhaaf ah oo looga qaado koontaroollada laga galo magaalooyinka waaweyn ee Koonfurta Soomaaliya sida Baydhabo.

Dhowr jeer oo hore ayay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya waxay ka hadlayn is-baarooyinka sidii loo qaadi lahaa, laakiin ma suuro-gelin in la baabi'yo jid-gooyooyinkaas.

Hiiraan Online, Baydhabo