4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2013
Ururka isku-xirka suxufiyiinta Gobolka Hiiraan HIJONET oo ka Tacsiyeeyay geeridii Allaha u Naxariistee Wariye Tima-cadde

Axad, Oktoobar 27, 2013 (HOL) — Ururka isku-xirka suxufiyiinta gobolka Hiiraan [Hiiraan Journalists Network] ayaa war uu soo saaray waxaa uu ka tacsiyadeeyay geeridii naxdinta laheyn ee xalay ku timid Alle ha naxatiirsteen wariye Max’ed Max’uud Tima-cadde oo ka mid ahaa wariyayaasha ka howlgala TV-ga Universal.

Ururka HIJONET ayaa ku tilmaamay weerarkii lagu dhaawacay 22-kii bishan wariye marxuum Tima-cadde mid bahalnimo ah, islamarkaana muujinaya sida wali dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya uga daalin dalalka wariyayaasha oo ah kuwo u taagan in mar walba ay xoogta dhabta ah siiyaan bulshad ay adeegayaasha u yihiin.

“Geerida ku timid wariye Tima-cadde waxaa ay marqaati fur u tahay in ay wali jiraan kooxo aan ka daalin dilalka wariyayaasha oo ah qeyb ka mid ah bulshada rayid ah, waana arin muujineysa sida wali u sii socdaan u-gaarsiga wariyayaasha.

Ururka isku-xirka suxufiyiinta gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay qaadato mas’uuliyada kaga aadan falalka lagula kacayo suxufiyiinta oo sanadihii ugu danbeeyay intooda badan lagu toogtay magaalada Muqdisho oo ay maamusho dowladda Soomaaliya.

Wariye Max’ed Max’uud Tima-cadde ayaa xalay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac halis ah oo ka soo gaaray weerar ay ku qaadeen kooxo hubeysan todobadkii aynu soo dhaafnay isaga oo ku sugan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Ugu danbeytii, Ururka HIJONET ayaa ku booriyay suxufiyiinta Soomaalida meel kasta oo ay joogaan in aysan ka daalin, cabsi galin, islamarkaana u joojin howlaha ay bulshada u hayaan dilalka lagula kacayo oo ah kuwo ay fuliyaan kooxo ujeedooyin siyaasadeed leh, islamarkaana doonaya in ay aamusiyaan warbaahinta oo ah tan iftiimisa runta iyo xaqiiqda dhabta ah ee jirta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya