4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo xarumaha Warbaahinta ugu baaqday in ay isa soo diiwaangeliyaan

Axad, October 27, 2013(HOL) :- Digreeto maanta kasoo baxday wasaaradda warfaafinta islamarkaana uu ku saxiixnaa  wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa loogu baaqay xarumaha warbaahinta, shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa Internetka in ay isa soo diiwaangeliyaan.

“Mudo sanado ah ayaa kasoo wareegtay dhismihii xukuumaddan hadda jirta, intaas oo dhan waxaan ku mashquulsanayn wacyi gelin, wax isu sheeg iyo inay dadku fahmaan isbedelka dawladnimo ee ka jira dalka, iyo sida loogu baahanyahay in ay shacabku dhawraan una hogaansamaan shuruucda dawlada u dagsan,” ayaa lagu yiri digreetada.

Digreetadan ayaa lagu sheegay in laamaha kala duwan ee warbaahinta, shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa Internetka ay isku soo diiwaangeliyaan ugu danbeeyn 10-ka bisha November ee sanadkan.

Ugu danbeyntii digreetadan ayaa lagu sheegay in laamaha warbaahinta sida, Tv-yada, Idaacadaha, shabakadaha Internetka iyo kuwa isgaarsiinta sida kuwa bixiya adeegyada teleefonnada iyo kuwa Internetka ay isa soo diiwaangeliyaan, ruqsadna qaataan, hay’adii ay ruqsadda ka dhacdayna ay cusbooneysiisato.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.