3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2013
Soomaali fara badan oo loo diiday in ay galaan Magaalada Kampala ee dalka Uganda iyo Ammaanka Dalkaas oo si aad ah loo adkeeyay


Axad, Oktoobar 27, 2013 (HOL) — Soomaali fara badan ayaa dhowrkii casho ee lasoo dhaafay laga soo celiyay dalka Uganda, kaddib markii ay waayeen cid ay damiinata ayna sheegi waayeen goobta ay rasmi ahaan u socdaan.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda, Abuukar Garweyne ayaa BBC-da u sheegay maanta oo Axad ah in dadkaas oo isugu jiray rag, dumar iyo caruur dib looga celiyay garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala.

“Dad badan ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Entebbe, waxaana arrintan kala hadalnay hay’adaha ammaanka Uganda, waayo innagu waxaan sameynay xafiis lagu diiwaangeliyo dadka Soomaaliya ka imaanaya,” ayuu yiri Abuurkar Garweyne.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay inaysan ogeyn sababta dadkaas loogu diiday inay dalka Uganda soo galaan, wuxuuna intaas ku daray inay wadaan dadaallo ay arrintaas kaga hortagayaan.

“Waxaan sameynay xafiis lagu diiwaangeliyo dadka Soomaalida ah ee dalka Uganda imaanaya, markii qofka laga soo qaado garoonka waxaa la keenaa xafiiska, halkaasoo lagu diiwaan-geliyo, kii waxbarasho u socday, kii arrimo qoxootinimo u socday iyo kii caafimaad u socday intaba,” ayuu Garweyne ku daray hadalkiisa.

Xukuumadda Uganda ayaa adkeysay ammaanka dalkeeda, kaddib markii ay Al-shabaab ku hanjabtay inay weerarro ka geysanayso dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa bishii hore weerartay rugta ganacsiga Westgate Mall oo ku taalla magaalada Nairobi, taasoo keentay in ammaanka dalalka Burundi iyo Uganda oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya aad loo adkeeyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/27/2013 11:50 AM EST
Axad, Oktoobar 27, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Somalia ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeesheen xaruntooda Muqdisho, kaasoo ay kaga doodeen kordhinta miisaaniyadda sanadaka 2014-ka, heshiis dhawaan dhex-maray wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka badda iyo shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Al-Bayrak taasoo la wareegi doonta maamulka iyo horumarinta dekedda weyn ee Muqdisho.

10/27/2013 11:34 AM EST
Axad, Oktoobar 27, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka hadlayey shir-jaraa'id oo ay maanta si wadajir ah u qabteen isaga iyo safiirka dalka Talayaaniga u jooga Soomaaliya Andrea Mazzela -oo shalay Garoowe soo gaarey- ayaa soo hadalqaaday doorashada madaxtinimada Puntland ee dhici doonta bisha Janaayo sanadka 2014.

10/27/2013 10:36 AM EST
Axad, Oktoobar 27, 2013 (HOL) — Mid ka mid ah guddiga gaadiidka Gobalka Bay , Cabdiraxmaan Xaaji Xasan (Luunge) ayaa sheegey inay ka cabanayaan maleeshiya wadata direyska ciidamada dowladda federaalka Soomaalia oo weerar ku hayaan gaadiidka ka shaqeeya inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Baydhabo, isagoo sheegay inay gaadiidka ka qaataan lacag aad u tiro badan taasoo mararka qaarkood loo gaysto dhac bareer ah rakaabka gaadiidkaas la socda.

10/27/2013 10:28 AM EST
Axad, Oktoobar 27, 2013 (HOL) — Xisbiga mucaaradka WADANI ayaa musuqmaasuq iyo cadaalad xumo ku tilmaamay xukuumadda Somaliland,isla markaana si adag u dhaliilay qaabkay u dhaqmayso.

10/27/2013 10:22 AM EST
Axad, Oktoobar 27, 2013 (HOL) — Ururka isku-xirka suxufiyiinta gobolka Hiiraan [Hiiraan Journalists Network] ayaa war uu soo saaray waxaa uu ka tacsiyadeeyay geeridii naxdinta laheyn ee xalay ku timid Alle ha naxatiirsteen wariye Max’ed Max’uud Tima-cadde oo ka mid ahaa wariyayaasha ka howlgala TV-ga Universal.

10/27/2013 8:30 AM EST
Axad, October 27, 2013(HOL) :- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xiritaanka idaacadda Shabelle oo shalay ciidamo ka tirsan dowladda ay ilbaabada isugu dhufteen, waxaana ay xukuumaddu sheegtay in laba mar oo hore ay u geeyeen digniinno ahaa in ay baneeyaan xaruntaasi.

10/27/2013 8:04 AM EST
Axad, October 27, 2013(HOL) :- Digreeto maanta kasoo baxday wasaaradda warfaafinta islamarkaana uu ku saxiixnaa wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa loogu baaqay xarumaha warbaahinta, shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa Internetka in ay isa soo diiwaangeliyaan.

10/27/2013 3:05 AM EST
Axad, Oktoobar 27, 2013 (HOL) — Wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde oo xalay u geeriyooday dhaawac soo gaaray maalmo ka hor ayaa saaka lagu aasay Muqdisho, iyadoo lagu aasay gudaha isbitaalka weyn ee Madiina.

10/27/2013 3:04 AM EST
Axad, Oktoobar 27, 2013 (HOL) — Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay inaysan jirin wax xiriir ah oo kala dhexeeya Col. Barre Hiiraale oo ku sugan deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.