4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2013
Wariye Tima-cadde oo saaka lagu aasay Magaalada Muqdisho kaddib markii uu xalay u geeriyooday dhaawac soo gaaray

Axad, Oktoobar 27, 2013 (HOL) — Wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde oo xalay u geeriyooday dhaawac soo gaaray maalmo ka hor ayaa saaka lagu aasay Muqdisho, iyadoo lagu aasay gudaha isbitaalka weyn ee Madiina.

Marxuumka ayaa afatii maalmood ee lasoo dhaafay wuxuu dhaawac ahaan ugu jiray isbitaalka Madiina, halkaasoo looga qalay lix xabbadood oo ay ku dhufteen kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garanayn.

Aaska wariyaha ayaa waxaa ka qaybgalay koox wariyeyaal oo uu ku jiray agaaasimaha Telefishinka Universal ee Muqdisho, kaasoo uu wariyuhu ka tirsanaa, waxaana sidoo kale goobta lagu aasay ku sugnaa ehelladiisa oo uu ku jiray abbihii.

Kooxo hubeysan ayaa wariye Tima-cadde waxay toddobaadkii hore dhaawac ugu geysteen degmada Wadajir oo uu degnaa, iyadoo dableyda ay markiiba goobta isaga baxsadeen, lamana oga cid ay ka tirsanaayeen.

Wariyahan ayaa wuxuu noqonayaa kii shanaad oo lagu dilo Soomaaliya tan iyo markii uu sannadkan dhashay, waxaana tani ay caddeyn u tahay in dhib weyn lagu hayo suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho iyo guud ahaan Somalia.

Madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si aad ah u cambaareeyay dhaawaca wariyaha uu u dhintay, iyagoo amar ku bixiyay in lasoo xiro sharcigana la horkeeno kuwii ka dambeeyay dilkiisa.

Abbaha dhalay wariyaha oo lagu magacaabo Maxamuud Cali Faarax ayaa horay u sheegay inuusan ku qanacsanay in wiilkiisa lagu daweeyo gudaha Soomaaliya, waxaana socotay qaban-qaabo lagu doonayay in dhaawiciisa loog qaado dalka Uganda si loogu soo daweeyo.

Allaha u naxariistee wariye Tima-cadde ayaa ifka uga tagay hal cunug oo uu dhalay iyo xaas. bahda Hiiraan Online waxay tacsi u dirayaan guud ahaan suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo ehelladii uu ka baxay marxuumka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya