4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2013
Sheekh Cali dheere oo Shaaciyay inaysan xiriir la lahayn Col. Barre Hiiraale, sheegayna inaysan u hanjabin Sheekh Umal

Axad, Oktoobar 27, 2013 (HOL) — Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay inaysan jirin wax xiriir ah oo kala dhexeeya Col. Barre Hiiraale oo ku sugan deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Sheekh Cali Dheere oo la hadlayay warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa sheegay in Col. Barre Hiiraale uu ula mid yahay kuwa ay dagaalka kula jiraan, meel ay ku kulmeenna aysan jirin.

“Ma jiro xiriir nagala dhexeeya Col. Barre Hiiraale, wuxuu ka mid yahay kuwa aan dagaalka kula jirno, meel aan ku kulannay iyo isbedel ku dhacay midna ma ogin,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Col. Barre Hiiraale ayaa ku sugan deegaanka Goob-weyn ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo maamulka KMG ah ee Jubba uu sheegay dhowr jeer hore inay soo maraan kooxaha Al-shabaab ee weerarka kusoo qaada magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, Sheekh Cali dheere oo ka jawaabayay su’aal ahay inay ururka Al-shabaab ugu hanjabeen Sheekh Maxamed Umal inay dili doonaan ayaa sheegay inuusan warkaas jirin, aysanna iyagu ku dhawaaqin dagaal ay la geli doonaan Xarakada Ictisaam.

"Annagu kuma dhawaaqin dagaal aan la galayno ictisaam, ciddii warkaas sheegay ayaa caddeyn laga rabaa," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere isagoo xusay in dhankooda uusan warkaas kasoo bixin.

Dhawaan ayaa Sheekh Maxamed Umal wuxuu sheegay in loogu hanjabay in la dili doono, kaddib markii uu cambaareeyay weerarkii lagu qaaday bishii hore suuqa gacansiga ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi.

Sheekh Umal ayaa sheegay in laga soo wacay Soomaaliya oo loo sheegay in la dili doono, wuxuuna intaas ku daray in kuwa u hanjabay ay u sheegeen in dadkii dili lahaa ay ku sugan yihiin magaalada Nairobi.

Hadalka kasoo yeeray Al-shabaab ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay bilk a hor ku guuleysteen in xoogag taageersan ay gacanta ku hayaan Westgate Mall oo ah suuq weyn oo laga dukaameyto, halkaasoo ay ku dhinteen 67-qof.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya