4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
Wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde oo u geeriyooday dhaawac kooxo hubeysan ay maalmo ka hor ugu geysteen Muqdisho


Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde oo ka mid ahaa wariyeyaasha Telefishinka Universal uga warrama Muqdisho ayaa goor dhow ku geeriyooday isbitaalka Madiina oo looga daweynayay dhaawac ay kooxo hubeysan ugu geysteen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Talaadadii lasoo dhaafay.

Marxuumka ayaa isbitaalka Madiina looga daweynayay dhaawacyo kasoo gaaray rasaas ay kooxaha hubeysan ku fureen, waxaana lagu qalay isla maalintii la dhaawacay isibtaalka Madiina.

Allaha u naxariisteen marxuumka ayaa xaaladdiisu ahayd maalmihii aynu soo dhaafnay mid wanaagsan, balse caawa ayuu ku geeriyooday isbitaalka, iyadoo aysan jirin cid ay dowladda Soomaaliya u qabatay dhaawacii ay u geysteen kooxaha hubeysan oo uu caawa u geeriyooday.

Ehellada marxuumka ayaa sheegay inay qorsheynayeen inay dhaawiciisa u qaadaan dalka Uganda si loogu soo daweeyo, waxaana abbihii Maxamuud Cali Faarax uu dhawaan sheegay inuusan ku kalsoonayn in Muqdisho lagu daweeyo wiilkiisa.

Marxuumka ayaa wariyeyaasha sannadkan lagu dilay Soomaaliya ka dhigaya wariyihii shanaad, waxaana dhaawiciisa ka hadlay madaxda dowladda iyagoo amar ku bixiyay in sharciga la horkeeno kooxihii ka dambeeyay.

Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa meelaha ugu khatarta badan ee suxufiyiin ay ka shaqeeyaan, iyadoo aysan jirin cid sheegatay weli dhaawaca wariyaha loo geystay ee uu u geeriyooday.

Wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa tacsi u diray ehelladii uu ka geeriyooday marxuumka, iyadoo tani ay qayb ka tahay dhibaatooyinka suxufiyiinta ka howlgala Soomaaliya lagu hayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya