4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
Guddoomiyaha Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha & Horumarinta (O.E.C.D) oo booqasho ku jooga Magaalada Hargeysa (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha guddida taageeridda horumarinta ee ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo horumarinta Qaaradda Yurub (OECD) Mr:Erik Solheim, ayaa maanta booqasho ku yimid Hargeysa, isla markana xafiiskiisa kula kulmay madaxweynaha Somaliland.

Gudoomiyahan oo booqasho laba cisho ah ku joogi doona Somaliland, ayaa la sheegay inuu diiradda saari doonno fulinta heshiishka cusub ee loo yaqaan “New Deal” oo lagu taageerayo wadamadda soo koraya.

Md. Solheim ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo, madaxda  sare ee xukuumadda , xubno ururada bulshada rayidka metelaya,  xubno ganacsiga gaarka loo leeyahay ka mid ah iyo xubno ka tirsan bulshada caalamka.  Waxaa kaloo la sheegay inuu booqan doono mashaariic horumarineed oo Somaliland ka socda kuwaas oo lagu horumarinayo xoolaha nool iyo kuwa dib loogu habaynayo xafiisyada dawladda.

“Waan ku faraxsanahay in aan wax ka barto horumarka muhiimka ah ee ka hirgalay Somaliland iyo lexejeclada wax-wada-lahaanshaha ah ee ka muuqata heer walba oo bulshada Somaliland ah. Tani waxay inoo bidhaaminaysaa in la sii wado guulaha la gaadhay iyo horumar waara oo la sameeyo iyadoo uu fullinta Heshiiska Cusubi bilaabmay. Waxan ku boorinayaa saaxiibbada iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland in ay sii wadaan taageero xooggan oo ay u fidiyaan dadka Somaliland” ayuu yidhi guddoomiye Solheim oo ka hadlayey aragtidda ku aadan horumarka ka socda Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskan ayaa lagu sheegay in gudoomiyuhu Mr. Sulheim uu la kulmay madax sare oo dawladda ah, kaas oo ka dooday qaababka loo sii horumarin karo Hannaanka U Gaarka Ah Somaliland (Somaliland Special Arrangement), hannaankaas oo lagu heshiiyey in uu qayb ka noqdo Heshiiska Cusub ee Soomaalida Shirkii Brussels.  Heshiiskaasi wuxu saacidayaa in saaxiibada iskaashiga ee caalamiga ahi qaab-dhismeed istiraatiji ah ku waajahaan taageeridda qodobada ahmiyadda u ah Qorshaha Horumarinta Somaliland. Wuxu seeska u dhigayaa mabaa’diida lagu shaqaynayo, qaab-xisaabeedka iyo hababka hawsha la isugu duwayo loona kormeerayo.

“Waan soo dhawaynayaa samaynta Hannaanka U Gaarka Ah Somaliland” ayuu yidhi Solheim. Wuxu sii raaciyey “Xukuumadda iyo saaxiibbada iskaashiga ee caalamiga ah wax badan baa ugu jira in ay diirradda saaraan, isla markaana dedaalkooda isugu duwaan qaab-dhismeed istiraatiji ah iyo in ay raacaan mabaadii’da iyo ballan-qaadyada Heshiiska Cusub iyo heshiisyada kale ee caalamiga ah ee loogu talo galay caawimada iyo horumar wax-ku-ool ah.”

Heshiiskan Cusubi waa qaab-dhismeed loo hindisay in laga tilmaan qaato si iskaashiga u dhaxeeya dalalka colaaduhu saameeyeen iyo saaxiibadooda iskaashiga ee caalamiga ah ee ka caawiya nabadda iyo qaran-dhisidda looga dhigo mid wax-ku-ool ah. Heshiiskan Cusub ee New Deal-ka loo yaqaan waxa bilaabay in ka badan 40 waddan iyo urur bishii Diisambar 2011kii.

Guddoomiye Erik Solheim wuxu hoggaanka u qabtay Guddida Taageeridda Horumarinta ee loo soo gaabiyo (DAC) bishii January 2013, Guddidan la yidhaa DAC waa gole caalamiya oo ay ku bahoobeen deeq-bixiyayaasha ugu waaweyn, isla markaana ay xubno ka yihiin 29 dawladood; Bangiga Adduunka, hay’adda lacagta ee IMF  iyo UNDP ayaa iyaguna xubno goobjoogeyaala ah.

Md. Solheim wuxu xilkan qabtay kadib markii uu hore u soo qaybtay Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Norway 2007-2012; sidoo kale Wasiirka Hourmarinta Caalamiga ah 2005-tii illaa 2007dii.  Md. Solheim muddadii uu shaqooyinkan hayey wuxu awoodda saarayey muhiimadda ay leedahay ka hortagga khilaafaadka. Sidoo kale wuxu ahaa wada-xaajoodiyihii gadhwadeenka ka ahaa hannaankii loo maray heshiiskii  Sri Lanka wuxuna ka qayb-qaatay geeddi-socodkii nabada ee Burundi, Nepal, Myanmar iyo Suudaan.

Sidoo kale, Wasiirka Ganacsiga iyo maal-gashiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilahi Cumar ayaa sheegay weftigan oo uu Hoggaaminayo Erik Solheim oo ah Guddoomiyaha Guddida Taageeridda Horumarinta ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta qaaradda Yurub ay madaxweynaha ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wax-wada qabsiga labada dhinac.

“Madaxweynaha Somaliland wuxuu kulan la yeeshay madaxa Guddida Taageeridda Horumarinta ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta qaaradda Yurub oo socdaalkiisii u horreeyay ku yimid dalka ”ayuu yidhi Dr.Maxamed Cabdilaahi, waxaanu intaas ku daray “Sharaf ayay noo tahay haddii aanu nahay masuuliyiinta xukuumadda Somaliland in masuul noocaas oo kale ahi dalka booqasho ku yimaado. Waxaanan ka wada hadlaynay sidii mashaariicda horumarinta ee dalka u yaala. Gaa rahaan waxaanu ka wada hadalay mashruucan cusub ee loo yaqaano New-deal iyo doorka ay Somaliland ka qaadanayso.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland