4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho ku Qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM iyo Xafiis laga furay Muqdisho (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku- xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Jan Eliasson isagoo ku ammaanay booqashadan taariikhiga ah iyo furitaanka xafiiska cusub ee QM ay ka furanayso Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id kaddib kulankooda oo ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ka socday Qaramada Midoobay.

“Booqashadan maanta waa mid taariikhi ah oo caddeynaysa sida ay QM ay uga go’an tahay garab-istaagidda Soomaaliya, waxaana maanta Muqdisho kusoo dhaweynay Jan Eliasson oo ah ku xigeenka xoghayaha guud ee QM,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya ka sheegay shirka jaraa’id.

Isagoo sii hadlay ayuu yiri: “Qaramada Midoobay waxay na tuseen sida ay noo taageersan yihiin oo ay weliba xafiis hor leh oo cusub uga furanayaan Muqdisho. Wada-shaqayn rasmi ah oo Qaramada Midoobey iyo dowladda Soomaaliya dhexmarta waa muhiim tasoo noo sahleysa inaan sida wadajir ah u wada-shaqeyno, una kordhinno xiriirka, gar-gaarka bani’aadanimo, go’aan gaarista iyo wada-shaqeynta si hufnaan iyo furfurnaani ay ku jirto.”

Madaxweynaha iyo ku xigeenka xoghayaha guud ayaa waxay kulankoodii kaga wada-hadleen kaalmada iyo wada-shaqeynta Qaramada Midoobey ay u fidiso Soomaaliya, horumarka ballaaran ee ka jira Somalia iyo caqabadaha jira. Sidoo kale waxay ka wada-hadleen shirka golaha ammaanka ee QM oo dhawaan dhacaya loogana hadlayo sidii caalamku u taageeri lahaa ciidanka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

“Al-shabaab waa laga guuleystay, laakiin weli ma aysan dhiman, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waa inay caawinaan sidii ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM u heli lahaayeen tasiilaadkii lagu dhameystiri lahaa shaqada oo Al-shabaab dalka looga sifeyn lahaa. Mustaqbalka Somalia iyo xasilinta dalka waxay ku xiran yihiin sidii Ciidan Soomaaliyeed oo leh tababar buuxa loo heli lahaa,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in xiriirka u dhexeeya Somalia iyo QM uu yahay mid muddo soo jiray, sida waqtiyo fiican iyo waqtiyo aad u murugo badan. Isagoo xusay inay ku faraxsan yihiin in Qaramada Midoobay ay muujiso sida ay u taageerayso qorshaha amni ee Somalia, dib u dhiska iyo xasilinta dalka.

“Kaalmadii QM, Midowga Afrika iyo caalamkaba waxaa noogu suurto gashay inaan horumar baaxad leh sameyno sannadkii lasoo dhaafay. Caalamkuna way arkaan horumarkaas aan sameynay, laakiinse weli waddo dheer baa na wada sugeysa si aan dalka ugu soo dabaalno amni, kala danbeyn iyo sidoo kale horumar dhan walba ah. Waxaan ka shaqeyneynaa Somalia oo nabad ah oo si nabad ah ula shaqeynaysa dalalka deriska ah iyo caalamka ay shacab Soomaaliyeed oo fara badan ugu nool yihiin si nabad ah ayna uga shaqeynayaan kalsooni iyo sharaf,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Dhanka kale, ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo isna ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Somalia yimaadaan ayna arkaan horumarka la gaaray, isagoo ballanqaaday inay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya