3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
Qarax Miino oo ka dhacay Kismaayo iyo dad loo Qab-qabtay Falkaas

Sabti, October 26, 2013(HOL) :- Qarax nooca miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa saaka ka dhacay xaafadda Farjanno gaar ahaan agagaarka Suuqa Yaasiin, waxaana qaraxani uu ahaa mid aad u weyn.

Miinadan oo lagu diyaariyay bartamaha wadada ayaa waxa saaka aroortii arkay dadka ku dhaqan xaafadaasi, waxaana la xiray dhaqdhaqaaqii wadadaasi, haseyeeshee Miinadii goobta ku aasnayd ayaa qaraxday kahor intii aysan soo gaarin ciidamadii ka socday maamulka ee lagu wargeliyay.

Goobjooge ku sugnaa agagaarka halka uu qaraxa ka dhacay ayaa HOL u sheegay in aysan jirin cid wax ku noqotay qaraxaasi, waxayna sheegeen in daryanka qaraxa laga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada.

Ciidamada maamulka Jubba ayaa howlgallo ay goobta ka sameeyeen ku qabqabtay dhowr qof oo looga shakisanyahay in ay ku lug leeyihiin qaraxaasi.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo habeen kahor bam gacmeed lagu weeraray xarunta Warshadda Hilibka ee magaalada Kismaayo, halkaasoo saldhig u ah ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubba.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya













Click here
10/26/2013 5:08 PM EST
Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde oo ka mid ahaa wariyeyaasha Telefishinka Universal uga warrama Muqdisho ayaa goor dhow ku geeriyooday isbitaalka Madiina oo looga daweynayay dhaawac ay kooxo hubeysan ugu geysteen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Talaadadii lasoo dhaafay.

10/26/2013 2:59 PM EST
Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) - Ciidamada Booliska ee maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay marwo Luul Xasan Mataan oo ah Guddoomiyaha Xaruunta dhaqan-celinta carruurta Derbijiifa sida ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen howlwadeeno ka shaqeeya xaruuntaas

10/26/2013 2:21 PM EST
Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) - Kulan wada tashi ah oo uu soo qaban qaabiyay xaafiiska Congressman Keith Ellison oo ah Xildhibaan laga soo doorto magaaladda Minneapolis, isla markaana warbixin looga dhageystay hey’adda horumarinta caalamiga ah ee USAID ayaa maanta ka dhacay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota.

10/26/2013 12:06 PM EST
Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Safiirka dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya Andrea Mazzela ayaa maanta booqasho kusoo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

10/26/2013 10:52 AM EST
Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha guddida taageeridda horumarinta ee ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo horumarinta Qaaradda Yurub (OECD) Mr:Erik Solheim, ayaa maanta booqasho ku yimid Hargeysa, isla markana xafiiskiisa kula kulmay madaxweynaha Somaliland.

10/26/2013 10:48 AM EST
Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Jan Eliasson, iyadoo kulankooda kaga hadlay xiriirka Soomaaliya iyo QM, gaar ahaana taageerada Qaramada Midoobay u fidiso shacabka Soomaaliyeed.

10/26/2013 10:21 AM EST
Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay maanta inay xukuumaddiisu isticmaali doonto awood walba oo shacabkooda ay kaga difaaci karaan cadowga dhibaatada u geysanaya ee kaga imaanaya gudaha iyo dibadda.

10/26/2013 10:01 AM EST
Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaaka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta shaaciyay in dib loo dhigay ballantii ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wasiirka maaliyadda ay ku horimaan lahaayeen baarlamanaka Somalia si ay uga horjeediyaan miisaaniyadda sannadka dalka.

10/26/2013 9:09 AM EST
Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku- xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Jan Eliasson isagoo ku ammaanay booqashadan taariikhiga ah iyo furitaanka xafiiska cusub ee QM ay ka furanayso Soomaaliya.

10/26/2013 8:15 AM EST
Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Wasiirka Warfaafinta, boostada iyo Is-gaarsiinta, boostada iyo gaadiidka Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa maanta mar kale hor-tagay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka jawaabay su’aalo laga weydiiyay heshiis ay xukuumaddu la gashay shirkad lagu magacaabo FAVORI LLC oo maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

10/26/2013 7:24 AM EST
Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Iyadoo dowladda Kenya ay sheegtay inay qoxoogtiga Soomaalida ah ee dalkeeda ku nool ay dhibaato dhinaca amniga ah ku keeneen dalkeeda, ayaa arrintaas ka hadlay xildhibaan, Ilyaas Barre Shiil oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doorta deegaanka Faafi ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

10/26/2013 6:45 AM EST
Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa maanta isku gadaamay dhismaha idaacadda Shabeelle ay Muqdisho ka dagganay, kasoo ku dhawaa garoonka diyaaradaha, waxayna iyagoo gudaha u galay xarunta idaacaddaas hawadaha ka saaray.

10/26/2013 6:30 AM EST
Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay markii ugu horreysay in weerarrada laga geysto gudaha dalkaas laga soo abaabulo magaalada xeebta ku taalla ee Mombasa, kaddib kulan magaaladaas ku dhexmaray wasiirka arrimaha gudaha dalkaas iyo Imaamyada masaajidda.

10/26/2013 6:23 AM EST
Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Ciidammo Itoobiyaan ah ayaa maanta gaaray duleedka degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, kuwaasoo kulammo la leh madaxda degmadaas, si ay u xalliyaan dagaallo halkaas ka dhacay.

10/26/2013 2:20 AM EST
Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Wasiirka Arimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa shaqada ka eryey 15 sarkaal oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee waaxda socdaalka kaddib markii lagu eedeeyay in dad ajaanib ah ay si sharci darro ah ku siiyeen warqadaha aqoonsiga iyo baasaboorada dalkaasi.

10/26/2013 2:11 AM EST
Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Maamul goboleedka Galmudug ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucayo in xilliyada habeenkii ah ay gaadiidka leh muraayadaha madow dhex-maraan xaafadaha Koonfurta Gaalkacyo oo uu ka taliyo maamulku.

10/26/2013 2:01 AM EST
Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.

10/26/2013 1:50 AM EST
Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Huriwaa, Cumar Jacfaan oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in qaybo ka mid ah degmada Huriwaa ay ku sugan yihiin xoogagga Al-shabaab, maamulkiisana uu wado qorshayaal ay ku doonayaan inay degmada kaga sifeeyaan.

10/26/2013 1:36 AM EST
Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuuda ayaa sheegay in ciddii lagu helo isagoo wata baasabaoorka cagaaran ee Soomaaliga oo ah midkii hore loo aqonsan doono inuu yahay qof la shaqeeya Al-shabaab iyo kooxo kale oo argagaxiso ah.