4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
Ciidamada Ammaanka Somalia oo Maanta Albaabbada u Laabay Idaacadda Shabeelle oo ka mid ah Idaacadda Madaxa-bannaan

Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa ammaanka Somalia ayaa maanta isku gadaamay dhismaha idaacadda Shabeelle ay Muqdisho ka dagganay, kasoo ku dhawaa garoonka diyaaradaha, waxayna iyagoo gudaha u galay xarunta idaacaddaas hawadaha ka saaray.

Cidamada ayaa la sheegay inay xireen dhammaan shaqaalihii iyo madaxdii idaacaddaas oo ka mid ah idaacadaha ka madaxa-bannaan ee ka howlgala magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn sababta loo xiray wariyeyaasha oo isugu jiray rag iyo dumar tiradooduna ay yihiin in ka badan 20-qof.

Dhawaan ayay idaacaddu baahisay in warqad amar ah oo kaga timid wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ay ku amartay in idaacaddu ay ka guurto dhismaha ay daggan tahay ugu dambeyn 25-ka bishan oo shalay ku beegnayd.

Xarunta idaacada ayaa waxay ku taallay dhisme ay leedahay wasaaradda gaadiidka Somalia taasoo ay ku howlgalasay afartii sano ee ugu dambeysay halkaasoo ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, waana markii ugu horreysay oo dowladda Somalia ay qaaddo taallbo ay ku xirayso mid ka mid ah idaacadaha ka howgala Muqdisho.

“Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo hubeysan ayaa gudaha u soo galay idaacadda, waxayna qaateen qaar ka mid ah qalabkii idaacadda yaallay,” ayuu ka yiri mid ka mid ah wariyeyaasha idaacadda intii aan idaacadda la xirin oo aan shaqaalaha loo qaadin xarunta dabi-baarista ee hay'adda nabadsugidda Qaranka.

Ma jiro hadal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha oo ku saabsan in la xiro idaacadda Shabeelle, sidoo kalena ma jirto hadal ku saabasn in askarta gudaha u galay idaacadda ee xiray ay ku socdeen amar dowladeed iyo in kale.

Dhowr jeer ayay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ka sheegteen warar ka baxay idaacadda Shabeelle, kuwaasoo ay ku tilmaameen kuwo aflagaaddo loogu geystay, iyadoo aan la ogeyn in xirtaanka uu arrintaas salka ku hayo iyo in kale.

Maamulka idaacadda Shabeelle ayaan weli iyaguna ka hadlin xirtaanka la xiray maanta idaacadda, iyadoo tallaabadan ay kusoo beegmayso si aad ah loogu muran yahay sharciga saxaafadda Soomaaliya oo dhawaan ay soo gudbisay dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya