4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2013
Ciidammo Itoobiyaan ah oo gaaray degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo kulammana la leh Madaxda Degmadaas

Sabti, Oktoobar 26, 2013 (HOL) — Ciidammo Itoobiyaan ah ayaa maanta gaaray duleedka degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, kuwaasoo kulammo la leh madaxda degmadaas, si ay u xalliyaan dagaallo halkaas ka dhacay.

Degmada Balad-xaawo oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwo taageersan ururka Ahlusunna Waljamaaca oo degmadaas kuwada sugan.

Mas’uul ka tirsan maamulka degmada ayaa sheegay in ciidammadan oo aad u fara badan ay saldhig ka sameysteen duleedka magaalada, halkaasna ay kula shirayaan mas’uuliyiinta degmada si ay u qaboojiyaan xiisad dagaal oo ka taagnayd degmadaas tan iyo shalay.

Xubnaha maamulka dowladda iyo Ahlusunna ee degmada Balad-xaawo ayaa dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay waxay isku eedeynayeen qaraxyo iyo dilal ka dhacay gudaha degmadaas, kuwaasoo loo kala geystay mas’uuliyiin labada dhinac ka kala tirsan.

Shalay ayaa waxaa degmada si lama filaan ah uga dhacay dagaal muddo socday kaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna, waxaana ku dhintay saddex qof oo labadii dhinac ah, dhowr kalena way ku dagaalameen.

Afhayeenka maamulka Ahlusunna ee gobollada Koonfureed, Sheekh Max’ed Xuseen Al-Qaaddi oo warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan Balad-Xaawo ayaa sheegay in dagaalkii shalay uu ahaa mid ay soo abaabuleen xubno ka tirsan maamulka degmada Doolow ee isla gobolka Gedo.

Ciidamada Itoobiya oo dhowr jeer oo hore saldhigyo ka sameysay degmadaas ayaa isaga baxay, iyadoo soo laabashadoodan ay salka ku hayso dagaalkii shalay ka dhacay degmadaas, lamana oga inta ya halkaas ku sugnaan doonaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya