4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 25, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta Muqdisho ku qaabilay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika (SAWIRRO)


Jimco, Oktoobar 25, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha golaha ammaanka ee Midowga Afrika, isla markaana kula dar-daarmay in ciidamada Soomaaliya loo helo tasiilaadkii iyo dhaqaalihii ay u baahnaayeen.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehliyey wasiirka gaashaandhigga, wasiir ku xigeenka gaashaandhiga, safiirka Somalia u fadhiya Itoobiya iyo Midowga Afrika iyo mas’uuliyiin kale. Dhanka kale wafdiga Midowga Afrika ayaa waxaa hoggaaminayay safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya iyo Midowga Afrika oo hadda ah madaxa golaha ammaanka Afrika. Sidoo kale waxaa wafdigan la socday ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada AMISOM.

Wafdigan ka socday golaha ammaanka ee Midowga Afrika ka socday ayaa waxay sheegeen inay u yimaadeen sidii madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba ay u tusi lahaayeen inay garab taagan yihiin, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan sidii Soomaaliya ay u noqon lahayd dal amni ah oo horumar ballaaran ku tallaabsada.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay wafdigan imaatinkooda Soomaaliya iyo sida ay u daneynayaan in Soomaaliya ay noqoto dal nabad ah oo horumar dhan walba ka sameeya. Madaxeynaha ayaa warbixin kooban siiyay wafdiga isagoo sheegay in Soomaaliya ay horumar dhan walba ah ku tallaabsatay loona baahan yahay in Midowga Afrika iyo caalamkuba ay taageeraan sidii ciidamada Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa loona soo afjari lahaa kooxaha Al-Shabaab.

“Waxaan golaha ammaanka Midowga Afrika uga mahadcelinayaa inay tix-geliyeen codsigii dowladda Soomaaliya ee ahaa in la taageero ciidamada Soomaaliya, isla markaana 30-ka Oktoobar golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey laga filayo inay soo saaraan qaraar lagu dalbanayo in la taageero ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Waxaa marag ma doonto ah in dalalka Afrika ee wallaaaha aan nahay ay noo soo gurmadeen isla markaana guulo waaweyn oo la taaban karo laga gaaray la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah, tanoo tusinaysa caalamka in Afrika ay xalinayaan dhibaato Afrikaan ah,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

30-ka Oktoobar ayaa lagu wadaa in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay dhageystaan warbixin ay QM iyo AU ay si wadajir ah qiimeyn ugu soo sameynayaan xaaladda Soomaaliya oo ay sheegeen in ciidamada Soomaaliya ay iyagana u baahan yihiin kaalmada ay dunidu siiyo AMISOM, isla markaana uu golaha ammaanka ee QM uu kasoo saari doonaan qaraar ay ku taageeri doonaan go’aankaas guddiga wadajirka ah hordhigi doonaan golaha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya